Markii Kowaad oo Caasimada Somaliland Laga Xuso sanadguuradii 88aad ee dhalashadii boqortooyada sacuudiga

0

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil,iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa, ka Qeyb galey Munaasibad Balaadhan oo ay Soo agaasimeen Jaaliyadda Sucuudiga ee Kunool Gudaha Somaliland, Munaasibadaas oo lagu Xusayey Xuska Sanad Guurada 88aad ee kasoo Wareegtay Xuska Qaranimada Boqortooyadda Sucuudiga.

Waa Markii u Horeysay ee Nooceeda ah Oo Hargeysa Lagu Qabto Munaasibad Lagu Xusayo Sanadguurada Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyadoo uu dhawaan kasoo laabtey Madaxweyne Kuxigeenku Gudashada Waajibaadka Xajka oo Cilaaqaad furfurani ku Dhex marey Dawllada SucuudiCarabiya  Waxey Munasibadani u dhacdey mid agaasnkeeda si heer sare ah looga Soo shaqeeyay ,islamarkaana ay kasoo Qeyb galeen Saraakiil dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland oo Dawllada Sucuudiga katirsan, Waxa kale oo lagu marti qaadey Siyaasiyiin,Madax-dhaqameed,Culumaa,udiin,Ganacsato,iyo Qeybaha kala Duwan ee ururada Bulshada Somaliland.

Madaxwryne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),oo ugu horeyn halkaa hadal ka jeediyay ayaa ka Waramey Doorka Xidhiidhka Labada dal ee Somaliland iyo Sucuudiga isago, kutilmaamay in uu yahey Xidhiidh soo jireen ah oo Mudo badan soo taxnaa.