Labo wasiir oo Miisaan ku Leh Somaliland oo Khilaafkoodu Debada usoo Baxay

0

 

 Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi ayay deeradu dhex miranaysaa, waxaana dibada u soo baxay khilaafka labada Wasiir oo ka mid ah Wasiiradda ugu miisaanka Culus Xukuumada Madaxweyne Biixi.

Khilaafka Labada Wasiir ee Maxamed Kaahin Axmed iyo Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa ka danbeeyay ka dib markii Laba Degmo oo ku yaala Bariga Somaliland oo Xukuumadda Dhexe Barnaamijka Horumarinta Ee JPLG ugu dartay Miisaaniyadda Xukuumadda Dhexe uu Wasiirka Maaliyaddu ka saaray.

Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sida ay ilo xog’ogaal ahi u sheegeen warbaahinta weydiiyay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Halka uu ku danbeeyay Qoondada Labadaasi Degmo oo loogu talo galay in lagu horumariyo Lacag Dhan $500,000, hasayeeshee Wasiirka ayaa u sheegay Maxamed Kaahin in aanay wakhtigan suurtogal ahayn, balse uu ka war sugo.

Muddo markii ay ka soo wareegtay ayuu mar kale Wasiir Maxamed Kaahin ku soo rogaal celiyay Wasiirka Maaliyadda, waxaanu waydiiyay isla su’aashii hore ee daaranayd in uu baadi doonkeeda galo dhaqaalahaasi loogu talo galay Labada Degmo, balse markan ayuu afku ka xumaaday labada Wasiir, waxaana uu warku intaasi ku darayaa in ay ka gaadhay heer ay salaanta isla dhaafaan.

Ma jiro war intaas dhaafsiisan oo ka soo baxay labada Wasiir, waxaanay noqonayaan labadii Wasiir ee ugu horeeyayee kala xukuma laba wasaaradood ee is maandhaafkoodu dibada u soo baxo.

Goboladda Bariga Somaliland ayaa ka danbeeya Dhinaca Horumarka Goboladda Galbeedka, waxaana inta badan cabashooyin ay ka soo yeedhaan Dadka shacabka ah iyo masuuliyiinta deegaankaasi.

Lama garanayo in mashruucaasi lagu horumarinayo Deegaanadda Gobolada Bariga ee ay ku jirto labada degmo ee khilaafka ka dhex abuurtay labada wasiir uu halkaasi ku joogsan doono iyo in xal loo helo doono.

XIGASO HADHWANAAG NEWS