Dawladda Somaliland ayaa ka jawaabtay  hadal ka soo yeedhay xukuumadda Farmaajo ee Soomaaliya taasi oo ku dooday  in ay suurtogal noqon karto in labada madaxweyne ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya  ay u kala socdaali karaan magaalo madaxyada Hargeysa iyo Muqdisho

0

Dawladda Somaliland ayaa ka jawaabtay  hadal ka soo yeedhay xukuumadda Farmaajo ee Soomaaliya taasi oo ku dooday  in ay suurtogal noqon karto in labada madaxweyne ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya  ay u kala socdaali karaan magaalo madaxyada Hargeysa iyo Muqdisho sida inta badan ka dhacday dalalka mandaqada ku yaalla ee ay hore xurgufuhu u kala dhexyaalleen kuwaas oo haatan wada hadallo ka yeeshay khilaafaadkoodii isla markaana booqashooyin is weydaarsaday.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland Sacad Cali Shire oo arrintan wax laga weydiiyey shalay ayaa sheegay in dawladaha gobolka ku yaalla ee haatan xalka ka gaadhay murannadii dhex yaallay ay ka xaallad duwan yihiin arrimaha ay isku hayaan Somaliland