Maradonna oo guul ku billaabay kulankiisa koowaad

0

Halyeeygii hore ee kubadda cagta dalka Argentina Diego Maradona ayaa guul ku billaabay kulankiisi ugu horreeyay ee uu leyliyo kooxda Dorados oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ee dalka Mexico, kadib marki ay xalay 4-1 ku garaaceen naadiga Tapachula.

Goolasha ay kooxda uu leyliyo Maradona ku badisay ayaa saddex ka mida waxaa dhaliyay ciyaaryahan Vinicio Angulo oo ah laacib u dhashay dalka Ecuador.

Dadka xiiseeya kubadda cagta ayaa la yaabay go’aanki Maradona uu todobaadki hore ugu biiray kooxda Dorados oo ah koox heerka labaad ah, sidoo kalana ka dhisan magaalada caanka ku ah daroogada ee Culiacan ee dalka Mexico.

Diego Maradona ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo marki uu taga kooxda Al-Fujairah ee dalka Imaaraadka bishii April.

Guushan ay kooxdiisa cusub gaartay xalay ayaa usoo qaaday kaalinta 10-aad ee horyaalka Serie B-da Mexico, iyaga oo horay ugu jiray kaalinta 15-aad.

Maradona oo ah 57 jir ayaa xulka Argentine u qaaday koobka adduunka ee lagu qabtay dalka Mexico sannadki 1986-ki.