Oradyahanka reer Kenya Joseph Kiprono Kiptum ayaa waxaa lagu dhuftay gaari xilli uu hogaaminayay tartanka oradka nus Maaradoonka ee dalka Colombia.

0

Oradyahanka reer Kenya Joseph Kiprono Kiptum ayaa waxaa lagu dhuftay gaari xilli uu hogaaminayay tartanka oradka nus Maaradoonka ee dalka Colombia.

Kiprono, oo 30 jir ah , ayaa u dhawaa meeshii loogu talagalay in oradka uu ku dhamaado markaasi oo uu ku dhacay gaari sida muuqata iska indha tirayay xirida wadadaasi tartanka uu ka socday.

Oradyahankani ayaa lagu daweeyay wadada qarkeeeda ka dibna loo qaaday isbataal isaga oo qaba dhaawacyo islamarkana imika laga soo saaray isbataalka “isaga oo caafimaadkiisu wanaagsan yahay “.

Ninka ay isku wadanka yihiin Kiprono ee Daniel Muindi Muteti ayaa tartanka ku guulaystay waxa uuna oradka ku dhameeyay 1:03:45.

Qabanqaabiyayaasha tartankani ayaa waxay sheegeen: “in Joseph Kiprono ay qaadeen shaqaalaha xaaladaha degdega ee tartanka oradka Medellin

Bukaanka xaalad deggan ayuu ku sugan yahay,waxa uu qabaa nabaro iyo xagtino soo gaaray , ma qabo wax laf ah oo jabay waxaa eegay dhakhaatiirta lafaha iyo murqaha ,waxa uu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo wanaagsan mana jirto halis soo wajahaysa.

Kiprono ayaa sanaddii 2015 ku guulaystay tartankii lagu qabtay magaalada labaad ee dalka Colombia.

Qabanqaabiyayaasha tartankan ayaa waxa ay sidoo klae xaqiijiyeen in oradyahanka lagu magacaabo Juan Camilo Arboleda uu dhintay ka dib markii uu taagnida ka dhacay markii la marayay meesha uu oradka ku dhamaado.