Ampsador Cawil oo Si Adag uga hadlay in Ciidamada qaranka oo ah astaanta dawladnimo la qabyaaladeeyo,

0

Siyaasiga Cawil Cali Ducaale oo xilal Kala Duwan ka soo qabtay Xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland Iyo Qabyaaladda.Waxa uu hogotusaaleeyay sida aanay marnaba qabyaalad u geli karin arrimaha ciidamadu waxaana uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bogga uu ku leeyahay facebookga, waxaana uu ku ydihi “Sarkaal Ciidan ayaan ahaan jiray laakiin, maan aqoonin beelaha ay ka soo kala jeedaan Saraakiisha aan wada shaqeynayney. Marka Ciidan Qaran laga hadlayo, waxaa ka reeban oo xaraan ah saami qaybsiga. Marba inta is qorta Ciidanka ayaa noqota Saraakiil,

Saraakiil xigeeno iyo Dablayaal”!

*~“Umadaha adduunku laba shay ayey ku faanaan oo astaan ay wada ilaashadaan u ah, kuwaas oo kala ah, Calanka iyo Ciidanka Qaranka ay umaddu leedahay. Farxad ayaa quluubtooda buuxisa markay daawadaan Calankoodii oo la saarayo, Ciidankii Qarankuna salaan sharaf ula taaganyahay, waana arrimaha Xoojiya Wadaniyadda iyo kalsoonida Umadda.”

*~Ciidanka Qaranku waa astaanta iyo sharafka dal kastaa uu leeyahay, dawladnimaduna waxay u baahantahay cudud ilaalisa Calankaas dushooda sudhan. Waxa dadyowga ka caagan inay Ciidankooda wax ka sheegaan ama fara fareeyaan. Dalalka qaarkoodna waaba dambi uu mutaysto qofku haddii uu Ciidanka wax ka qoro, sida miisaaniyada uu Ciidanku soo qorto dawladauhu ma falanqeeyeen ee sideeda ayey u sii daayaan”

*~Ciidan Qaran oo aynu ku faani karno ayaa maanta inoo dhisan, waana Ciidan u dhaartay inuu dhiigiisa u huro difaaca dalkiisa gudo iyo dibadba. Waa Ciidanka cadow kasta oo aynu leenahay dhabarka ka jabin kara, Askartii iyo Saraakiishii ku geeriyooday dagaalka Tuko-raq waxay u shahiideen difaaca dalkooda, qabiil may difaacin. Waxay difaacayeen umaddooda iyo dalkooda, kuwa maanta noolina waxay u diyaar yihiin inay u dhintaan difaaca dalkooda”

*~Waxaan maalmahan Warbaahinta ku arkayey arrin umaddeena ugub ku ah, oon 27-kaas sanadood ee aynu dawladda ahayn aan ina soo marin oo ah, wax ka sheegista Saraakiisha Qaranka, oo beelo loo jajabinayo Saraakiisha Ciidanka. Waa arrin aad u fool xun inaynu ku kacno inagoo cadow is hayna, oo Ciidankeenu ku suganyahay jiidaha hore ee dagaalka, Waa ayaan darro qof dhiigiisa u hibeeyey dalkiisa in hoos loogu dhaadhaco haybtiisa. Waxay ka dhigantahay taas marka lagu dhaqaaqo, qof tiirkii ugu muhiimsanaa ee dawladnimo ku taagnayd oo ah Ciidanka Qaranka dube la dhacaya oo kale. Waa arrin ka farxinaysa cadowga, Ciidankeenana niyad jab ku ridaysa. Soomaaliya waxay dawlad u noqon weyday waa Ciidan la’aanta”

*~Waxaan Siyaasiyiinta iyo dadka kale ee arrintaas ka hadlaya ka codsanayaa, in hadday mucaarad yihiin meel kale ka raadiyaan mucaaradadda, laakiin aanay Ciidanka Qaranka ula soo leexan, waxaanay noqonaysaa arrin Wadaniyadda iyo xilkasnimada aad uga durugsan.”

Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ShareThis