USA: Shirkad Magdhow Siisay Shaqaale ay Soomaali Ku Jirto

0

Mid ka mid ah shirkadaha hilibka ee ugu wayn dalka Maraykanka ayaa ogolaatay heshiis dhexdhexaadin ah oo ku kacaya lacag ka badan hal milyan oo doolar oo magdhow ah.

Lacagtan ayaa la siinaya shaqaale Muslimiin ah oo Soomaali u badan, kuwaas oo dacwad ku soo oogay shirkaddaasi.

Shaqaalahan ayaa ka cawday in shirkaddu ay u diiday inay salaadda tukadaan, taas oo keentay in shaqaalahaasi oo u badnaa Soomaali ay ka tagaan shaqada.

Guddiga dalkan Maraykanka u qaabilsan sinnaanta fursadaha shaqada ayaa ku dhawaaqay heshiiskan oo ku soo beegmaya iyada oo dacwaddan ay soo jiitamaysay muddo dhowr sano ah.

Dacwaddan ayaa u dhaxaysay shirkadda hilibka ee Cargill iyo shaqaale Muslimiin ah oo tiradooda lagu sheegay boqol iyo siddeed iyo soddon qof.