Taajir Khadka Twitterka Ku Faafiyay in uu Gargaar ama sadaqo ula baxayo Labo milyan oo Doolar, iyo Sababta

0

Madaxa shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa gargaar u bixinaya 2 bilyan oo doolar oo uu ku caawinayo dadka aan haysanin guryaha iyo iskuuladda waxbarashada.
Ninka ugu taajirsan dunida ayaa tallaabadan qaaday isaga oo Twitterka ku shaaciyay, wuxuuna sheegay in hay’addiisa samafalka ee mashruucan fulin doonto loo bixinayo Day One Fund.
Bezos ayaa la sheegay in uu haysto dhaqaale ka badan 164 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, wuxuuna horay ula kulmay dhaleecayn ku saabsan in uusan wax badan ka gaysanin arrimaha gargaarka.
Bernie Sanders oo ah Senater Maraykan ah ayaa dhaliilay xaaladda ay ku shaqeeyaan shaqaalaha ka hawlgala bakhaarrada Amazon.


dadka Twitterka isticmaala waydiiyay talo ku saabsan sidii uu u adeegsan lahaa hantidiisa gaarka ah, dhaqaalihiisa ayaana sare u kacay ka dib markii ay kor u keceen qiimaha saamiyada Amazon isla markaasna la dhimay canshuurihii Maraykanka.
Khamiistii ayuu sheegay in hay’adda “Bezos Day One Fund” ay dhaqaale ku kabi doonto hay’addaha aan ribix doonka ahayn ee haddaba caawiya qoysaska hoy la’aanta ah, islamarkaasna uu iskuullo u dhisi doono bulshooyinka uu soo galo dhaqaalaha yar.

bbc sourcis