Hargaysa[ Biyo Guure News]Hoteel Casri ah oo Diyaaradi Lagu Cunteeyaa kamid tahay Hoolashiisa

0

Weligaa ma ku fekertay in dayaarad weyn oo nooca rakaabka ah, laakinse dhaqan-ka-bax ah laga dhigi karo makhaayad cunto wanaagsan leh?

Fikradaas waxaa magaalada Hargaysa la yimid Khadar Xasan Daa’uud oo ka mid ah dadka qurbaha ka soo laabtay.

Dayaaradaas oo beri ahaan jirtay mid ka shaqaysa Hargaysa iyo waddamada kale ee gobolka, ayuu Khadar sheegay in fikraddan ay ku dhalatay “markii ay dayaaraddu cilladowday”, isna uu London ku lahaa xafiis tikidhada gooya oo uu axwaasha diyaaraddan la socday.

“London markaannu joognay maraakiib ayaa makhaayado laga dhigi jiray, maadaama aan taas soo arkay, waxaan ku fekeray ‘dayaaradii aad tikidhada u goyn jirtay maad makhaayad ka dhigtid'” ayuu yiri Khadar.

Wuxuu intaa ku daray Khadar in uu ku sameeyo makhaayadda raashin u badan kan “waddaniga” loo yaqaanno, laakinse noocyada kale ee cuntooyinkana aysan meesha ka marnayn.

Qaar ka mid ah dadkii makhaayadaas tegey waxay la dheceen fikradaas.

Saynab Muuse oo xilliga uu weriyaheennu booqanayey makhaayadaas joogtay, caruurna wadatay waxay tiri “waa markii labaad ee aan la kulmo dayaarad makhaayad laga dhigay. Addis Ababa ayaan markii hore ku arkay, markanna waa anigan dhex fadhiya Hargaysa, waxayna ka mid tahay horumarka uu waddanku gaarayo”.

“Waxaan doonayaa in ay ogaadaan qurbajoogta in ay ogaadaan in dalka la maalgashan karo” ayuu Khadar ku yiri BBC.