Deg Deg Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada qaranka Somaliland oo falag ahaa Iminkana Dib Usoo Laabtay

0

Sarkaal Jamaal Baaxad oo hore uga tirsanaa ciidamada Qaranka Somaliland dhowaana ku biiray jabhadda uu hogaamiyo Kornayl Caarre ayaa soo gaadhey degmada KULMIYE oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Sarkaalkan oo la sheegaayo in uu wato dhawr askari iyo gawaadhi ciidan ayaa degmadaasi soo gaadhey ,

Waxaana gaadiidka uu wato kamid ah gaadhigii Caafimaadka degmadda Xiis oo ay jabhaddaasi dhowaan afduubatay, iyada oo ay wararka qaarkood sheegayaan in uu gaadhigaasi soo celiyey Kornaylku, halka kuwo kalena sheegayaan in uu kazoo goostay jabhadda Caarre kuna soo waajahan yahay magaalada Ceerigaabo.

Ilaa hadda ma cadda sababta sarkaalkaasi u yimid degaankaasi, lama oga in uu ku biiri doono ciidamada Qaranka Somaliland oo uu hore uga tirsanaa iyo in uu gaadhigan wareejin doono dibna u noqon doono