Muqdisho: 11 qof oo ku dhintay qarax

0

Tirada dadka ku dhintay qaraxii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa korodhay iyadoo la xaqiijiyey dhimashada 11 qof, halka 22 kalena ay ku dhaawacmeen, soda ay sheegeen mas’uuliyiinta amniga.

Tirada dhimashada ayey goor hore oo saaka mas’uuliyiintu ku sheegeen 6 qof, taasi oo haatan korodhay.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo qof ismiidaamiyey uu ku dhuftay dhismaha degmada Hodan.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in burbur ballaadhan uu soo gaadhay dhismaha.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaasi.

Waa markii labaad ee qaraxyo baabuur ismiidaamin ah lagu weeraro xarun degmo ka tirsan Muqdisho. 2-dii September ayaa qarax noocan oo kale ah lagu burburiyey dhismihii xarunta degmada Hawlwadaag ee Muqdisho.