Hooyadda Dhashay Madaxweynihii Hore Ee Killilka 5aad Oo Sheegtay In Wiilkeedii Lagu Jidh Dilay Xabsiga

0

Hooyo Deeb Mahad Colow oo ah hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxa ay sheegtay in wiilkeeda lagu jir dilay xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Hooyadan oo la soo xiriirtay Tv-ga Universal, ayaa waxa ay sheegtay iyada iyo xaaska uu qabo Cabdi Maxamed Cumar inay raashin ugu qaadeen xabsiga, balse markii ay tageen xabsiga ay la kulmeen dhacdo murugo badan.

Waxa ay sheegtay inay aragtay wiilkeeda oo ay jirdilayaan ciidamo xabsiga ku sugan islamarkaana ay garacayaan rag gaaraya sideed ruux sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay sheegtay inay qaylisay iyada iyo xaaska Cabdi MaxamuudCumar oo wada socda, islamarkaana raggii xabsiga haystay ay soo eryadeen, sidoo kale waxa ay tilmaamtay in dhulka madaxa looga garaacay Cabdi Maxamuud Cumar, xittaa uu gabay codkii taaha ahaa ee xanuunka.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa 27-kii August ee sanadkan lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa, kadib markii gurigiisa ay ka soo kaxeeyeen ciidanka Itoobiya, eedeymaha loo heysto waxaa ka mid ah dhibaatooyin loo geystay dad shacab ah.

Universaltv