Hay’adda NRC oo sheegtay in ay xireyso barnaamijyo gargaar oo ay fulin jirtay

0

Hay’adda gargaarka caalamiga ah ee fadhigeedu yahay dalka Norway ee NRC loo soo gaabiyo ayaa ku dhawaaqday in ay xireyso barnaamijyadii ay ka fulin jirtay wadamada bariga Afrika.

Hay’adda ayaa sabab uga dhigtay tallabadani ka dib markii dowladaha reer galbeedka ay jarteen lacagihii ay hay’daha gargaarka siin jireen.

Hay’adda ayaa sheegtay in hay’adda ay xireyso barnaamijyadii ay ka waday dalalka Tanzaniya,Kenya iyo Uganda.

Bayaan ay hay’adani NRC soo saartay ayaa lagu sheegay in jaridda dhaqaalahani ay ku soo beegmayso xilli dalalka Yurub iyo Mareykanka ay dalalkooda u diidayaan in ay galaan dadka soo galootiga ah.

Dhanka kale dalalka Euroupe iyo Mareykanka ayaa diideen in ay qaataan dad soo galooti ah waxa ayna hoos u dhgeen lacagihii lagu taageeri jiray dadka qaxootiga ah.

Wadamada bari Afrika ayaa marti galiya ku dhawaad 2 milyan oo qaxooti ah oo intooda badan ay dagaalo ak soo qaxeen.

Qaar ka mid ah qaxootigaasi ayaa waxa ay ku jiraan xerada qaxootiga ee Dadab, waana qaxooti intooda badan ka soo qaxay dalka Soomaaliya.