Kooxdii Afduubtay Baabuurkii Shirkada Oomaar Oo Madaxweyne Biixi U Soo Diray Fariin Garnaqsi Ah Iyo Cadaalo Daro Ay Tirsanayaan

0

Kooxda falka afduubka ah u kaxaystay baabuur xammuul ah oo ay leedahay shirkadda Oomaar oo laga kaxaystay bariga caasimadda Hargeysa habeenkii Khamiista ee toddobaadkan, ayaa qoraal baaq ah oo ay u direen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku faahfaahiyey sababta ay u fuliyeen falka afduubka ah.

Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa hawlgal ay sameeyeen ku soo qabtay gaadhiga xammuulka ah ee la afduubay iyo baabuur kale oo ay wateen ragga afduubka sameeyey, kuwaasoo iska caabbin ay sameeyeen ku guulaystay inay ka baxsadaan booliska.

Hasa yeeshee, qoraal ay diyaareen ka hor intii aanay falka afduubka ah samayn oo wargeyska Jamhuuriya helay nuqul

ka mid ah xalay, ayey kooxdani ku sheegeen in muddo hadda la joogo saddex sanno uu nin xamaal ah dekedda Berbera ku burburiyey baabuur uu lahaa nin ka mid ah kooxda afduubka sameeyey, kadib markii uu jiidhsiiyey koontiinar kale, sidaa darteedna ay ilaa muddadaas wax caddaalad ah ka waayeen bahda garsoorka Somaliland, xilligana ay go’aansadeen inay qori caaraddii ku raadsadaan xaqooda ka maqan.

Qoraalkaas oo uu ku saxeexan yahay Mr. Najax Xasan Ismaaciil waxa uu u qornaa sidan;

“Madaxweyne, waxa aan halkan kuugu soo gudbinayaa caddaalad-darro ballaadhan oo aan ka tirsanayo Bahda Garsoorka Somaliland, arrintaasina waxay iga qabsatay
Magaalada Berbera, kadib markii gaadhi Shaampoo ah oo aan lahaa oo raran oo taagan
Dekedda Berbera dhexdeeda uu amar la’aan ku galay nin xamaal ah, kuna dhuftay Koontiinar ay baabuuri ku jirtay, gaadhigaygiina uu halkaas ku
baaba’ay. Markii aan Xaaji Cali Xoorxoor (oo waqtigaas ahaa Maareeyaha Dekedda) u cawdayna indhaha ayuu iga laliyey, waxaannu yidhi; “Ciddii lagu yeesho ayaan khasaarahan ballaadhan ka doonayaa. Ka dib waxaa la soo xidhay ninkii gaadhiga amar la’aanta ku galay. Maxkamadda Berbera ayaana ku xukuntay inuu bixiyo khasaarahaasi. Maxkamaduna dambi ayay iga gashay oo 4 jeer ayay sii daysay, waxaanay ii sheegi kari weyday sababta ay ku sii daysay.

Ka dib waxa aan la kulmay, salaadiintiisii iyo niman u adeer ah (ninka xamaalka ahaa) oo ka shaqeeya Shirkadda Oomaar, waxayna iigu jawaabeen; FAA’IIDADA AAD HAYSO CIDNA HA ISAGA SHEEGIN.!! Ka dib waxaan soo dhacay gaadhi shaamboo ah oo ay leeyihiin nimankii dhibta ii geystay. Waxaan soo jiidhay dhammaan kaantaroolada u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, waxaanan keenay Gaadhigii magaalada Hargeysa. Gurmad ballaadhan oo ay Dowladdu arrintaasi ka gashay ka dib wuxuu Jannanka Ciidanka Boolisku nagu amray in gaadhigaasi aannu ku soo celinno Gacanta Dowladda. Si aannu dhex idiinku hayno, arrintaana waannu aqballay. Ninkii gaadhiga soo dhacayna waa la xidhay, waxaanna la mariyey Sharciga. Waxyeeladii aannu Gaadhiga gaadhsiinayna waanu bixinay. Gaadhigii aannu soo dhacnayna waxaa qoladii lahayd gacanta ka galiyey niman dan leh.

Haddaba, aniga ciddii wax ii geysatay Maxkamaddu waxay iga sii deysay 5 goor, waxaana la soo baxay ninka la yidhaa Suldaan Ismaaciil. Aniga Gaadhigaygii cid loo ciqaabay iyo cid ii qaadatay midna ma jirto. Ag istaag mooyaane. Ka dib waxaan u soo dacwooday Jananka Booliska Somaliland, waxaannu ii gudbiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Guddoomiyihiina arrintii si sulux ah ayuu u galay oo ahayd in khasaarihii soo gaadhay Koonteenarka uu bixiyo Xaaji Cali Xoorxoor, khasaaraha gaadhigayga soo gaadhayna ay

bixiyaan ciddii geysatay  ee uu dammiinka ka ahaa Suldaan Ismaaciil. Hadda arrintu waxay maraysaa 3 sanno iyo bil. Qoloftii gaadhigayguna waxa ay taallaa Geerash Berbera ah oo uu Suldaan Ismaaciil dhigay. Markii aan u soo dacwooday Jananka booliska waxaa Suldaan Ismaaciil ka soo baxday Gaadhiga waataanu bixinay haddii ay kharash noqoto iyo haddii ay wax gaadhiga lagu soo qiimeeyay noqotoba, laakiin qoladani baad bay naga doonayaan. Markii aan idhi waxba idinkama hayo ee ciddii aad iigu dhiibtay sheeg oo caddee wuu diiday inuu sheego, anigana Taliyaha ayaa i xidhay. Markii arrintaa baadhis loo diray ee ay galeen niman saraakiil ahi, loona yeedhay ninkii geerashka ee Berbera waxaa caddaatay in Suldaan Ismaaciil uu gaadhiga geerashka u dhiibay Tumaalis qudha kula heshiiyay. Waxaa caddaatay in wax tallaabo ah oo qabsoontay aanay jirin ee Gaadhigii Suldaan Ismaaciil lagu leeyahay. Mar kale ayuu jananku ii diray in aan keeno ninkii geerashka kelidii.

Kharash la’aan ayaan Berbera dib uga dhacay, markii aan ninkii keenay wuxuu igu yidhi waad habsaantay, kiiskaasuna wuu i dhaafay.

Guddoomiyii Maxkamadda Sare ayaan dib ugu noqday, waxaannu yidhi; “Mar haddii ay sulixii ka baxeen ii keen xukunkii oo dhammaystiran aan ku xukumee, markii aan keenay Guddoomiyuhu wuxuu igula hadlay hadalo aan fahmi waayay, kadibna waxa aan go’aansaday mar haddii caddaaladdii la waayay, in arrintaydu qori caaradii aanay ka fursanayn. Qorigaa caaradii baan arrinta ku xallinayaa mar haddii aanay ii noolayn naf iyo maal toona. Baloodhadii aan deggenaa arrintaa darteed baan u xaraashay. Qori caaradii ayaan ku dhammaystirayaa arrintan ee wixii ka yimaadda waxaa masuuliyadeeda leh Dowladda Somaliland, gaar ahaan Bahda Garsoorka. Wadahadal iyo odayaal 22 goor baa la kala aayo waayay. Wax dambe oo la is yidhaa ma hadhin.

FIIRO GAARA: Jananka Ciidanka Booliska Somaliland aad buu u jeclaa inay arrintaasu wanaag ku dhammaato, Cid aan caddaalad ka uriyayna isagaa jiray, laakiin niman xumaan wadaa arrintii kharibay oo ku soo celinaayay iyadoo sidii hore ka xun,” ayuu yidhi Mr. Najax Xasan Ismaaciil oo ku saxeexnaa qoraalka loogu talogalay in la gaadhsiiyo Madaxweyne Muuse Biixi ka hor intii aannu falka afduubka ah ka dhicin bariga caasimadda Hargeysa habeenkii Khamiista ee toddobaadkan.

ShareThis