Ardaydii Ka Soo Baxday Midawgii Soofiyati Ee Dalka Hogaaminayaa Waa Inay Kaadhadhkooda Halkaas U Isticmaalaan.”…Axmed Yuusuf Yaasiin

0

Madaxweyne ku xigeenkii  hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaalada uu dalku marayo, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisaba u soo jeediyey talooyin ku saabsan Siyaasadda Arrimaha Guddaha iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda, ee dalka.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika,  ayaa sidoo kale ka hadlay is bedelada ka socda Wadamada Geeska Afrika, waxaanu baaq u diray Xisbiyada iyo Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya is bedelada ka socda Wadamada Geeska Afrika iyo Somaliland saamaynta ay ku yeelan karto “25 sannaba ama 30 sannaba Adduunka is bedel uu ka dhacaa,

wax walba wey is bedelaan wax cusubna wey yimaadaan, is bedelka yimaadana shar iyo khayarba uu yeelan karaa, laakiin imika is bedeladan ka socda Afrika,  gaar ahaan Geeska Afrika, dhinaca khayrka ayuu u badan yahay, madaama Eritrea oo muddo dheer cuna qabatayni saarnayd, ay hadda u dhawdahay in laga qaado cuna-qabadaynta, iyadoo ku socota dariiqii saxda ahayd, Jabuutina arinkeeda la wado imika, inagana is bedelada inagu iman karaa waa is bedelo dhinaca istaraatijiyada ah, inagana is bedeladaas waa qasab inay saamayn inagu yeeshaan, madaama aynu ka mid nahay Wadamada Geeska Afrika, gaar ahaana waxaynu ku naala meel istaaratiijiya, inaguna mar walba is bedel walba oo wanaagsan oo dhaca weynu soo dhaweeynaynaa”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey heshiisyada ay Somaliland la gashay Imaraadka iyo waxa Somaliland la gudboon haddii ay khatari timaado  ayaa yidhi “Anigu markii hore ee hawlahan heshiisyadu socdeen, waan ka hadlay waana ka digay, waxaanan idhi heshiisyadaasi khatar bay inagu keeni karayaan, ee aad ha looga feejignaado, waxaa kale oo aan idhi cidda aynu la galaynaa heshiisyada ee aynu saldhig iyo wax walba ku aaminaynaa waa inay noqdaan Wadan awood badan leh, laakiin mar haddii aynu heshiisyadii galayn, waa inaynu helnaa damaanad ah in khatar walba oo inagu timaada, oo sabab u noqon karaya heshiisyadaas aynu galnay, in dalkeena la difaacayo, maxaa yeelay imika waxaa cad oo marag madoon ah in aynu ka war qabno in Imaraadku xulufo la ahaa Sucuudiga, kuwaas oo weerar ku qaaday Xuutiyiinta, markaas waa qasab in haddii aynu cid heshiis la galay, in cid kalena cadaw  inagu noqonayso, markaas waa inaynu helnaa daamanad buuxda, oo ah in khatar walba iyo dhib walba oo inagu iman karta in la inaga difaaco”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu talo siinayey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa ayaa yidhi,  “Waxaa muuqata in awoodii iyo dhaqaalihii Adduunku u wareegayaan dhinaca Barriga, marka la isku daro Hindiya, Shiinaha, Ruushka, oo ay soo raacaan Maleesiya iyo Indoonsiya, markaa  awooda adduunka shan qaybood loo qaybiyo saddex qaybood halkaas ayey maraysaa, markaas Reer Galbeedku irbad dun inoomay galin, ee ardaydii ka soo baxday Soofiyatigii, ee hogaaminaya dalka waa inay kaadhadhkooda halkaas u isticmaalan, maxaa yeelay reer Galbeedka in badan baynu daba fadhinay,  ee inaga halkii inoo khayr badan ee ictiraaf iyo dhaqaale ka helayno, waa inaynu u kacnaa, oo laga faa’iidaystaa fursada aynu haysano, waa inaynu ka faa’iidaysanaa  fursaddaha iyo is bedelada socda, waxaana xaqiiqo ah haddii aynaan hagaajin Guddaheena, in aanay inoo hagaagayn Dibadduna, ee dhib kasta oo Guddaha dalkeena ka jira, xaalad walba oo ka taagan, tabasho walba oo jirta, waa in sida ugu haboon loo hagaajiyaa, si teena dibadduna u hagaagto”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey qabyaalada   ayaa yidhi, “Laandheeruhu maaha aniga ayaa ka tiro badan Laangaabkuna maaha tiro yarnaan, ee waa waxay dadkeenu isku qufuleen, ee laan-dheeranimadu waxa ah qofka ALLE ka cabsada, umaddiisuna ka nabad gasho, ee aynu iska dayno fikirkan xun ee qabyaaladu wadato ee ah laan-dheere ayaan ahay, adiguna laan-gaab ayaad tahay, labadan reer ee walaalaha ah ee is laayeyna, waxaan leeyahay khalad ayaad isku laynaysaan, oo dhiig aan ALLE idin ogolaan inaad daadisaan ayaad daadinaysaan ee ALLE ka cabsada, oo joojiya dagaalka iyo colaada”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu baaq u diraayey Xisbiyada ayaa yidhi,  “Markaynu ka hadlayno guddaheena waxaynu doono aynu is odhano, balse marka ay timaado arinta dibadda aynu mid ka noqono oo aynu isku mawqif ka ahaano, Xisbiyada Qarankana waxaan leeyahay aynu ka midaysnaano qadiyadeena  Arrimaha Dibadda”