Silanyo Markuu Kursiga Fuulay Iyo Muuse Markuu Fuulay Waa Laba Kala Jaad Ah, Somaliland Waxaad Moodaysay Intii Silanyo In Tafaraaruq Badan Uu Bulshada Ku Kala Dhex Jiray” – Sep 05 2018

0

Siyaasiga da’da yare e Jamaal Cali Xuseen ayaa tan iyo intii doorashada ka dambaysay, wuxuu ka hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee uu dalku ku suganyahay.Jamaal Cali Xuseen oo u waramay weriye Maxamed Kuraase oo ku waraystay Barnaamijka Hal-adayg ee ka baxa telefishanka HCTV, wuxuu ku sheegay inuu sarkaalka ciidanka qaranka ka goostay ee Caare la qabo wax badan oo la xidhiidha cadaalad darada uu tirsanayo, waxaanu Jamaal geesta kale si adag u dhaliilay hoggaamintii Madaxweyne Siilaanyo oo uu xusay in tafaraaruq badani uu bulshada kala dhex galay mudadaas uu talada hayay. Waraysigii Jamaal, oo aanu qaybo ka mid ah ka soo qaadanay ayaa wuxuu ahaa sidan:

Waa markii iigu horaysay ee aan 2018-ka la hadlaayo warbaahinta, oo 2017-kii ayaa iigu danbaysay, waa run oo doorasho ayaynu galnay waxaana ku guulaystay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, doorasho xaasaasi ah way ahayd laakiin anigu doorasho nadiif ah ayaan u arkaayay oo si wanaagsan loo tartamay oo xarago ku jirtay, inkasta oo dad badan ay ka cabanayeen oo doorashooyinka Somalilandna ay sidaas ahaayeen intii faraha badnayd.

Xaalada uu dalku ku jiraana intuu madaxweynuhu joogay waa sideed bilood waxaanad moodaa inuu xaalad cakiran la kulmay oo dagaalo iyo xanaf badan dalka gudihiisa iyo meelo sanaag dhibaatooyin badan ay ka dhaceen markaas xaalad adag ayaa la soo daristay xukuumada haddana intaas dadaal faro badan ayaan anigu u arkaa meelaha qaarkood inay ka sameeyeen, waa ay jiraan dad dhaliilaya oo dadku waa kala fikrado oo jeclaa in waxyaabaa qaar horumar laga sameeyo, laakiin anigu waxaan u arkaa wali in aynaan gaadhin xiligii aynu xukuumadan qiimayn lahayn inta badan shaqada waxa lagu qiimeeya aaduunka marka laguu dhiibo sanad kadib ayaa la yidhaahdaa maxaad qabtay, laakiin saan saankeeda hadan waa la arkaa iyaga oo ay carqalado badan ay jireen haddana waad arkaysaa wax badan oo wanaagsna inay dhaceen, wax badna oo dhaliilo ah oo ay dadku tirsanayaan oo ay jeclaayeen inay ka wanaagsanaadaana ay jiraan.

Waxaan aad uga xumahay waligod reer Somaliland hub iskumay qaadan, aad iyo aadna wax laga tiiraanyoodo weeyaan in aan inagu hub isku qaadano Somaliland waxay dunida ka iibin jirtay nabad iyo inana wax walba ku dhamaysano geedka hoostiisa, waxana leeyahay inana taas ka tanaasulno oo bal inagu aynu wada hadalno oo waxii aynu dhamaysan karaynana aynu dhamaysano xukuumadana aan ku dhiiri galiyo inay iyadu ay tanaasul badan samayso oo ninkii Muuse ee barigii hore la odhan jiray waa nin adag ayaan la kaftamay oo aan ku idhi imika waxaad noqotay ninka ugu jilicsan markaasuu aad u qoslay runtii, ninku marka uu kursiga ku fadhiisto ayuu wax badan ogaanayaa anigu isagaan laftiisa u naxayaa oo markaad eegto waxa ku furan oo u baahan qof waliba waxa uu ka taageeri karaayo inuu ka taageero, si isagana lagu saxo waa loo baahan yahay, ileen qofka aadamaha ah ma wada saxsana,laakiin qiimaynta dhabta ah waxynu samaynaynaa marka sanadku u buuxsano ayaynu odhanaynaa waxii aynu u dooranay halkeediibuu hayaa ama hoos huu uga sii socdaa.

Beelahii waa tii lagu nabadeeyay Ceel-afweyn waa guul soo hoyatay laakiin wali arinkii Caare iyo maleeshiyaadkii, dadkii aadka u cadhaysnaa waxa loo baahan yahay in aynu ka qayb galno xukuumaduna ay indho dheeraad ah ku eegto sidii nabad loogu dhamayn lahaa waxaas oo aan qori caaradii iyo xoog aan loogu dhameeyn.

Caare waxa uu sheegay inuu cadaalad daro tirsanaayo, adigu siyaasi ayaad tahay ma kuu muuqataa inay cadaalad daro jirto?

Horta cadaalad daro anigaygan kula hadlaaya ayay igu dhacday ee Jamaal ah uma malaynaayo cadaalad darada aniga igu dhacday nin ay ku dhacday inuu ku jiro bulshada Somaliland, Somaliland oo dhan ayaa isugu kay tagtay oo waana lay daawanayay, waxii aniga igu dhacay u malayn maayo inay caaro iyo cid kale toona ku dhaceen, markaas haddii cadaalad daro la tirsanaayo anigaaba hub qaadan lahaa oo tagi lahaa, waxaas oodhan waxa samirka loo sameeyaa Soomalidaa  tidhaahda sankaaga oo qudhmay lama jaro waa la dhayaa oo waa la daweeyaa, way jirtaa cadaalad daro oo Caare anigaa ku raacsan in ay cadaalad daro jirto  oo aniga ayaan diidanaynba inay jirto laakiin waxaan leeyahay sankaaga oo qudhma lama jaro, taas micnaheedu maaha intaan baxaan hub soo qaadanayaa oo sankiibaan jarayaa weeye micnaheedu, wax xal ah maad gaadhin ee inaad dawayso ayuunbay ahayd, waan ta aniga igu dhacday markii danbe aan u samray ee u liqay, nin wax ku dhaceenba aanan iska dhigin, sababta oo ah qofa aadamaha ah samirku waa wax u wanaagsan, dalkanina waa mid aynu  yabyabayno oo aynu toos toosinayno, laakiin hadaynu hadana hub soo qaadano oo halkii 1988 kii ku celino, hadana siiroo ayaynu ka soo bilaabaynaa, kadeed iyo eedaad ayaynu ku jiraynaa uun, markaas waxaan leeyahay Caare hadalkiisii waa uu sameeyay cadaalad daradaas uu tirsanayaana waa tii aniga igu dhacday oo anigu ka dafir maayo way jirtaa cadaalad daro, laakiin been yaan lagu samayn oo aan la odhan reer hebel  ayaa waxaas helaya, waxaan aad u maqlaa saami qaybsiga, sharcigeena meel miyay kaga jirta waxan la yidhaahdo saami qaybsiga miyaynu nidhi reer hebelna intaasay qaadanayaan reer habelna intaas ayay qaadanayaan, reer Somaliland waxaan leeyahay inta la fadhiisto ama qalaylka aynu ku qaybsano, waxaad moodaa inay beelihii Isaaq ay isku muuqdaan isuma haystaan in Somalilantanba ay iyagu leeyihiin oo aanay cid kale lahayn waar reero kale ayaa meesha inala degan inagana inagii ayaa isku muuqana kolba qoladii kursiga fuusha ayaa la maagaa, beelihii cidhifyada ayaa jooga beelihii kale ee fara badnaa ee reer Somaliland ayaa jooga dadkaasi waa ay ku dulman yihiin, hadaad eegto dawladii Isaaq ayay u badan tahay waxaasi waa waxii aynu Siyaad Bare kaga cabanaynay ee cadaalad darada ahaa, hadana inagii ayaa cadaalad daro sii kala tirsanayna oo leh reer hebel ayaa halkan sii haysta iyo reer hebel ayaa halkan sii haysta, bahashu waa siyaasad oo waa la kala leexanayaa oo isbahaysiyo ayaa la kala samaysanayaa, aniga ayaa mar Udub ahaa waa tii layga baabiyay Habaryoonis iyo reeraha xisbiga uhdiisa ahaa ayay ahaayeen, hadana waanigii Ucid tagay ee soo bakhti afuufay yay ahaayeen waxaas oo dhami Garxajis ayay ahaayeen yaan la midoobayay ee aan la shaqaynaayay, siyaasada cidii kolba aad is fahantaan ayaad u tagaysaa oo aad wada shaqaynaysaan, markaas saami qaybsigani waa waxa dadka madaxooda lagu wareeriyay.

Jamaal; saami qaybsigu waa wax ay Somaliland ku soo dhaqmaysay lagumana heshiin waxa la eega madaxweynaha fadhiya kolba intuu reerkooda siiyo, madaxweynaa agaasmaiyaasha iyo wasiiradaba reerkiisa ayaa ugu badan markaas miyaanay cadaaladaro ahayn?

Anigu wali xisaabtaas maan fadhiisin oo dhan maayo kuwaas ayaa ugu badna laakiin, haddii ay sidaas tahay waa ay ku wanaagsan tahay, inkasta oo aanu jirin sharci odhanaaya yaanu madaxweynuu reerkiisa waxaas siin, hadan tusaale ayaan soo qaadanayaa oo Cigaal oo aan reerkiisa siinba sowtii la’la dagaalamayay, waxa jira siyaasiyiin kolba reeraha kiciya, imika dagaalkani kii saami qaybsi maaha o ciidamadana haddii saami qaybsi la galiyo waa mid subxaana leh, wasiirada iyo agaasmaiyaasha waan kugu raacsanahay in la dheeli tiri jiray oo lagu soo dhaqmi jiray oo Somaliland waa shaashad layska  wada dhex arko waa sax laakiin ciidamada lama galin jirin oo waligeed lama odhan reer hebelna intaa oo sarkaal ayay leeyihiin reer hebelna intaas oo sarkaal bahashii qabyaalada ahayd ayaa aad inoo sii galaysa  oo aad moodo in dadka lagu soo kala qaybinaayo haddii ciidamadiina loo dhaadhaco, ciidanka waxaan u arkaa in inti kolaba isqorta iyo intii alle  saraakiil ka dhigo uun ay tahay, laakiin waxaan leeyahay, saami qaybsiga aan dheeli tirnayn ee aan anigu ogahay waa ka Isaaqa iyo inta aan isaaq ahayn oo Isaaqu uu ka badsaday.

Xukuumadii madaxweyne Siilanayo markay ku dhawaad toban bilood xilka haysay wax badan oo ay qabatay oo dadku soo dhaweeyeen ayaa jiray, xukuumadani haatan maxay ku faanaysaa?

Siilanyo markuu kursiga fuulay iyo Muuse markuu fuulay waa laba kala jaad ah, eraygii caanka noqday ee Daahir Rayaale yidhi waxaan kugu wareejiyay dal midaysan, Somaliland waxaad moodaysay intii Siilaanyo in tafaraaruq badan uu bulshada ku kala dhex jiray , xaga dhaqaalaha laftigiisa dhibaatooyin badan ay ka yimaadeen sicir barakru uu aad u ragaadiyay,waxa ugu darsamay Muuse markii uu kursiga ku fadhiistay wixii uu ka dhaxlay Siilaanyo oo jiray iyo dagaalo ku bilaabmay oo uu ugu horeeyo dagaalkii Tuka-raq  iyo ka Ceel-afweyn, anigu waxaan ku idhaahdaa Muuse waar haddii halkii Daahir Rayaale aad ku celiso ayaad wax weyn tartay, sababta oo ah dalkan dhaawac weyn ayaa ku soo dhacay ilaa iyo intii madaxweyne Siilaanyo yimid. Muusana umadu waa ay eegaysaa, inkasta oo aan shaqsiyan ahaa dadkii Muuse taageeray ee dhisay xukuumadiisa kama tirsani, xil aan ka hayaana ma jirto, mucaaradna anigu ma ihi, waxaan xaq u leeyahay shaqsiyan inaan madaxweynaha ku saxo waxii aan u arko aniga iyo intii kale ee Kulmiye ahaydba ee aan xil ahayn inaan saxno oo aanu nidhaahno waar waxaas ka jooji oo waxaas sax. Madaxweynaha waanu is aragnay dhawr jeer laakiin intaas hadana waanu saxaynaa nin na dhagaysanaayana waa u eeg yahay oo leh, waxaad doontaan ii sheega.