Go,aankii Madaxwayne Biixi ee Diiwaangalinta hantida Qaranka oo Saamayn wayn ku Yeeshay Masuuliyiintii Xukuumadii Hore ee Siilaanyo

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan Hargeysa ka furay Mashruuc ay wado Wasaaradda Hawlaha Guud, kaas oo lagu sugayo tirada dhulka danta guud iyo hantida Ma Guurtada ah ee Xukuumadda Somaliland ay iska leedahay.

Barnaamijkan oo fulintiisa durba ay Wasaaraddu guddo gashay ayaa waxa lagu soo waramayaa in uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Amar ku bixiyay in dhulka iyo hantida Ma guurtada ah ee xukuumadda Lagu darro tiroba sideed guri oo ay si uun u qaateen masuuliyiin iyo ganacsato ka soo jeeda Beesha Bariga Burco.

Amarkan ayaa markii uu soo baxay waxa ay warar xog’ogaal ahi u sheegeen Hadhwanaagnews in ay kulan

la yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi iyo Boqor Buur Madoow, kuwaas oo ula tagay in uu ka reebo hantida ka kooban sideeda ee ay masuuliyiinta iyo ganacsatada beesha Bariga Burco tirsanayaan in ay iska leeyihiin.

Hantidan oo la magac dhabay in ay ku jiraan Hudheelka Hargeysa Club iyo Maktabadii hore ee Gaandi ayaa waxa lagu soo waramaya in ay isku af garan waayeen, ka dib markii uu madaxweynuhu ku adkaystay Amarkiisaasi hore.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankaasi, hasayeeshee waxa ay ilo wareedyadaasi u xaqiijiyeen Hadhwanaagnews in uu ku soo dhamaaday Natiijo La’aan.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa todobaadyo ka hor hambalyo ku mutaysatay, ka dib markii ay dib u soo celisay Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera, sidoo kalena ay balan qaaday in ay gacanta Dawladda Dib ugu soo celin doonto hanti ma guurto ah oo hore loo siiyay shakhsiyaad gaar ah, hasayeeshee waxa ay is weydiintu tahay ma sii socon doontaa, mise halkaas ayay ku joogsan doontaa.

ShareThis