Dukaanle ka ganacsada kalluunka oo ku sugan dalka Kuwait ayaa dukaankiisa la xirey kadib markii la faafiyay sawirro muujinaya indho baliil ah oo uu u xiray kalluunkii uu iibinayay si uu uga dhigo in uu yahay mid cosob ah ama markaas la keenay.

0

Muuqaal muujinaya arrintan ayaa aad la’iskula wadaagay barta Whats’app-ka iyo sidoo kale baraha bulshada sida uu tabiyay wargeyska Al Bayaan.

Dukaamalayda kale ayaa sameeyay falcelin ah in ay soo bandhigaan kalluun cusub oo markaas badda laga soo jalaabtay.

Dadka baraha bulshada ku jira ayaa sidoo kale dhankooda aragtiyadooda ka dhiibayay falkan, waxayna qaarkood sheegeen in dhaqanka qarinta runta badeecada ay tahay wax aanan wanaagsanayn.

Bishii Luuliyo ayaa nin kale oo kalluunle ah lagu eedeeyay in uu caloosha uga guray masaamiir si uu u kordhiyo kiilaha kalluunka marka dadka loo miisaamayo, lagana iibinayo.