madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horaysay ka hadlay jabhada uu kornayl Caare kaga soo horjeedo xukuumadiisa.

0

madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horaysay ka hadlay jabhada uu kornayl Caare kaga soo horjeedo xukuumadiisa.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta khudbad u jeedinayey arday ka qalin jabisay jaamacada Hargeysa ayaa sheegay inaanay xukuumadiisu aqbalayn in la qaato qoriga balse uu diyaar u yahay inuu wada hadal la furo cid kasta oo wax ka tabanaysa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu yidhi “Dhammaan waxaan qaatay wixii talo iyo tusaale ahaa ee halkan ay ka yidhaahdeen madaxda axsaabtu, hadaladaasi waxay u badnaayeen oday ayaad tahay ee dadka isu soo jiid oo midee  marxaba iyo guddoon taasi waan aqbalay.

Madaxweyne
Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxa aynu u samaynsanay dawladda oo madaxweynaha loo doortaa inay aroor walba iyo saacad walba dhibaatada taagan  xaliyaan taasna aad iyo aad ayaan u garanayaa in dhibaato kasta oo dalka taala ha waynaato ama ha yaraatee aanu xalino ka dawlad ahaan gaar ahaanna go’aanka u danbeeya in anniga layga sugaayo aad iyo aad ayaan u garanayaa waana gudoon kii cadhaysan inaynu maslaxno, kii gardaran inaynu u dul-qaadanno intaba diyaar ayaan u ahay waanan ogolahay dhawr iyo sodonkii sanno ee u danbeeyayna dalkan goob joog ayaan u ahaa sida wax loo waday iyo siday ku socotayba.”

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa soo jeediyey in qofkii wax tabanayaa uu si hufan u soo bandhigo tabashadiisa waxaanu yidhi “hal mid ayaan sheegayaa qofka wax tabanayaa waa inuu si miyir qaba wax u sheegtaa midna waan leeyahay oo qoribaan wax ku xalinayaa ma dhici karto, qori baan soo qaadanayaa hadaan tayda la yeelin taasi waligeedba mamnuuc ayay inaga ahayd ha la wada hadlo oo shaydaanka ha la iska naaro oo qoriga innaga  daaya  waanan ogolahay dhamaan wixii lay faray” ayuu yidhi Madaxweynaha JSL.

Waa markii ugu horaysay ee madaxweyne Muuse Biixi ka hadlo jabhada kornayl Caare hogaamiye ee ka bilaabantay gobolka Sanaag haatana xarunta ka samaysatay magaalada Qardho ee maamulka Puntland, waxaana la dhawrayaa qaabka uu madaxweynuhu u  galo xalinta tabashada ay qabaan ciidamadaas goostay.