Deg Deg, Taliayaashii Liyuu Booliiska iyo Booliiska Caadiga ah ee Somali State Oo Xilkii laga Qaaday

0

Madaxweynaha Somali State Mustafe Maxamuud Cumar ayaa goor dhaweyd xilkii ka xayuubiyay Taliyihii Ciidamada Liyuu Booliiska Ee Deegaankaasi Cabdiraxmaan Labo Go’le.

Taliyaha Ciidamada Liyuu Booliiska ayaa Lagu eedayn Jiray in ay ka danbeeyaan Xad Gudubyo lagula kacay shacabka deegaankaasi, waxaana dhawaan warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda aadamuhu ay ku sheegeen in ciidamadani ay yihiin kuwo qayb laxaad leh ka qaatay xad gudubyada lagula kacay shacabka.

Waxa ay ku taliyeen in cadaaladda la soo hor joojiyo taliyaha ciidamadaasi, hasayeeshee gelinkii danbe ee maanta ayuu madaxweynuhu xilkii ka qaaday, waxaana la filayaa in dhawaan la soo hor joojiyo maxkamad.

Dhinaca Kale Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shalay xabsiga loo taxaabay, waxaana ay dadku uga hadleen siyaabo kala duwan.

si kastaba ha ahaatee xukuumadda Cusub Ee Somali State ayaa wada qorshe ay isugu soo dhaweaynayso dadka deegaankaasi ku wada nool oo ay kala irdhaysay xukuumadii hore.