Dambiyo dagaal Kuwii Ugu Xumaa intii ka danbaysay dagaalkii Dunda ee labaad ayaa ka dhacay dalka Yemen, hay,ada madax banaan oo daraasad ku samaysay

0

Khuburo qaabilsan xuquuqda aadanaha oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa rumaysan in laga yaabo in dhammaan dhinacyada ku dagaalamaya Yemen ay gaysteen dambiyo dagaal.

Khuburada oo warbixintoodii koobaad soo saaray ayaa dawladda Yemen, xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo iyo dhaqdhaqaaqa jabhadaha Xuutiyiinta ah ku eedeeyay in ay dadaal yar sameeyaan marka ay timaado dadaallada hoos loogu dhigayo waxyeellada shacabka soo gaaraysa.

Waxay farta ku fiiqeen duqaymaha iyo gantaallada lala dhacay iskuullada, isbitaallada iyo suuqyada kuwaas oo ay ku dhinteen kumannaan ruux.

Waxaa kale oo ay ka digeen in dambiyo dagaal ay noqon karto go’doominta hawada iyo badda ee ay samaynayaan xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo.