Madaxwaynaha Dawlada xamar oo Malaayiin lacaga ku Bixiyay Sidii Loogu Fududayn lahaa la Kulanka madaxawyne trump

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa lacag milyan badhkii ah oo dollar ku bixinaya sidii uu taageero dawladiisa ugaga heli lahaa maamulka Maraykanka ee Donald Trump.

Dawladda Madaxweyne Farmaajo ayaa heshiis la gashay shirkad Maraykan oo la yidhaahdo Sonoran Policy Group SPG bishan August, waxaanay dawladda Soomaaliya shirkadaas siin doontaa Afar boqol oo kun oo dollar ( 400, 000) muddo afar bilood ah oo ku beegan bisha December ee sannadkan. Bil kasta waxa ay shirkadu qaadan doontaa boqol kun oo dollar, sida heshiiska ku cad.

Shirkadan ayaa qoraal ay u gudbisay dawlada Maraykanka waxay ku sheegtay inay dawladda Soomaaliya ka caawin doonto dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin sidii loo baabuli lahaa safar uu Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Farmaajo ku tago dalka Maraykanka, lana kulmo Donald Trump, xildhibaanada Maraykanka iyo madaxda kale ee Maraykanka si uu maamulka Madaxweyne Trump uga codsado in la soo celiyo dhaqaalihii uu Maraykanku siin jiray ciidamada Soomaaliya ee uu u u joojiyay sababo musuqmaasuq iyo wax is daba marin ka dhex jirta ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale waxay shirkadani dawladda Soomaaliya ka caawin doontaa xayiraadda Socdaal ee Maraykanku saaray muwaadiniinta Soomaaliya sidii loo qaadi lahaa.

Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaan weli kulan rasmi ah la yeelan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, waxaana la sheegay inaanu ku guulaysan dhawr isku day oo uu doonayay inuu kula kulmo Mr. Trump, waana sababta keentay inuu hadda kiraysto shirkad ka caawisa sidii uu siyaasadihiisa uga iibin lahaa maamulka Madaxweyne Trump.