Shil Baabuur oo goor Dhawayd ka Dhacay Agagaarka Tuulada Sheekh Abdaal Gaystayna Dhimasho iyo Dhawac

0

Allaah haw u naxariistee Afar qof ayaa dhintay, waxaana Dhaawacyo kala Duwan qaba 12 kale oo dhalinyaro ah,   Shilkan Ayaana ka Dhacay Meel waxyar u Jirta Tuulada Sheekh Abdaal [ Dooxa Beerta Ina raygal. Sida uu Noo xaqiijiyay Dr Mahad cabdilaahi ismaaciil oo loo yaqaan [DACAR] Kana Mida Dhakhaatiirta Cisbitaalka Degmada Sheekh Abdaal waxaanu intaa ku daray in baskan ay saarnaayeen 16 dhalinyaro ah waxaanay kasoo ambambaxeen magaalada hargaysa  waxayna ku socdeen magaalada berbera oo aay dalxiis ahaan u tagayeen ciida awgeed, 

Badhasaabka Gobolka Saaxil  Eng Axmed Cismaan xasan  oo Aan isna Ku  waraysanay Khadka Teloofanka Ayaa Noo xaqiijiyay Shilkan Baabuur waxaanu Intaa Ku daray in Dhaawicii iyo maydkiiba la Geeyay Cisbitaalka Berbera,

i