Ganacsadae Cumaani oo sababay isku Dhac Dhexmaray Booliiska saaxil iyo Oadayaasha Degaamada Geelookor iyo Bixin Duule

0

 

 

 

 

saaka Subaxii Hore Ayaa  Waxaa isku Dhacay  Booliiska  Gobolka saaxil iyo dadka Degan Degaanka  Geeloo,kor oo aay marto wadada u dhaxaysa berbera iyo Degamada  Sheekh  iyo Tuulada Bixin Duule  oo iyana wax yar u jirta, 

Isku dhaca Booliska iyo dadka deegaanka ayaa waxa lagu Sababeeyay   inuu ka dhashay ismaan dhaaf ku dhexmaray deegaankaa Dadka Degan  Iyo Ganacsadaha Cabdirisaaq Cumaani oo buro deegaankaas kuyaala damacsanaa inuu dhagax macdani  ku jirto ka gurto gurto. Sida la sheegayna wuxuu Ruqsad kasoo ruqsad ka soo qaatay Xukumada Sare ee Somaliland waxaanay dadka deegaanku ninkan Ganacsadaha ah ee Cabdirisaaq Cumaani usheegeen inaanay ogolayn in buuraha Degaankooda Ku yaala  ganacsatadu macdan ka Gurtaan iyaga oo aan la xidhiidhin dadaka degaanka, Intaasi kadibna  Aay ganacsadahan is fahmi waayeen  Odayaasha Degaamada Ku Nool Geeloo,kor iyo Bixin Duule,

Sida Aanu Xigta Ku Helnayna  Is afgaran waagaa ayaa sababay in booliisku tago gooobta  muranku ka taaganaa  kadibna  khilaafka booliiska iyo odayaasha degaankaasi sidaa ku bilaabmay,

waxaana lasoo xidh xidhay sida aay khadka telofanka noogu sheegeen dad goobjoog ahaa dhowr qof  oo dadka degaankaa kamida, Gnacsadahan Cumaani Ayaa Sida La Ogyahay sanaadihii u danbeeyay Ahaa Nin qandaraasyo Badan ka Hellay Xukuumadii Axmed Siilaan, Dahawaanta Ayay Ahayd Markii Degaanka Lafo Ruug ee Duleedka Berbera aay qayaladu dayaantay  iyadoo Buuraha Degaankaa lafo Ruug Ilaa mandheera  uu usoo qaatay waraaqo Si uu Uga fa,iidaysto macdanta Ku Jirta Laakiin Markii Buuqii batay uu Dib Ula laabtay waraaqihii uu Sitay, Dhacdadan Oo Aanu isku daynay in Aanu wax ka waydiino masuuliyiinta Gobolka Ayaanay Noo Suura gali ,

D