Xildhibaan naasir x Cali shire , raali galintii uu Bixiyay Gudoomiyaha baarlamaanku waa waxba kama Jiraan waayo Go,aan Gloe Ayaay Ahayd

0

Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Dabo galka iyo ilaalinta hantida qaranka ee Golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay raali gelin uu Guddoomiyaha Golahaasi ka bixiyay Warbixin la xidhiidhay arrimo musuqmaasuq oo ay xukuumadii hore ku talaabsatay.

Naasir Cali Shire oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax runtii waa nin guddoomiye u ah golaha Wakiiladda, waxaanu iga mudan yahay qadarin, laakiin marka aan ka eego dhinaca sharciyadda mar kasta hadii uu Goluhu Warbixino soo diyaariyo oo  cod loo qaado wuxuu noqdaa Go’aan Gole.

Go’aankaas Gole Cid xaq u leh in ay baabiin kartaa ma

jirto, Guddoomiyuhuna inta ay hawshaasi socoto ayuu wax ka bedel iyo ra’yi ku leeyahay, laakiin mar hadii gacanta loo taago waa arrin golihii ka soo baxay oo way dhamaadeen, waxaanan halkan ka cadaynayaa arrintii uu Baashe Maalintii Dhaweyd ku dhawaaqay marka loo eego golaha Waa Waxba Kama jiraan” ayuu yidhi Xildhibaan Naasir Cali Shire oo Eryal u waramayay.