Qaranimadan lagu naaloonayaaย kumeyย imanย ย habaqleysi iyo hormo-qamaam, kumey iman, kula lihi iyo kaa lihi, kumey iman ku daneyso iyo ka daneyso, kumey iman hanyari iyoย hawaawil ee waxay ku timi hal-adeyg, hanweyni, hawlgal adag iyo gumucii iyo gaashaan kiiย mujaahidiintaa intii ka sii nooli ayย maanta ka muuqatoย safrada iyo sufurtaย cawlan kuwaas ooย badankoodu ay ku sugan yihiin saymo dhaxameedย oo debedyaalna u ahย dacdarada dabeeda.
Qaranimadu maaha oo keliya inta Digreetada ku timi, inta dabo socota eeย dawaada ka maraareysateyย iyo inta dibirtay eeย doobineysa ee dhibi shaxleyneysa ee Qaranimadu waa shacabka qaybihiisa kala duwan oo iskuย noqda qowmiyad mid ahย oo lehย quluub mideysan oo isku dan ah, isku dad ah, oo isku dal ah,ย ku waas oo ย wadaaga dhamaan midhaha dawladnimo sida: ย manfaca,mansabka,maganta, moorada iyo maquunadaba.
Somaliland kumay iman Hadyad iyo hagbadย jeegaamaysan balse waxaa loo sooย qubay dhiig badan waxaana loo huray naf iyo maal ay dhamaan shacabka Somaliland wada lahaayeen sidaa daraadeed marna xukuumada laga yeeli maayo in ay shacabkii halganka a’dag iyo hayaanka dheer uย soo ย wada maray xornimadooda in la kala fadilo ooย loo kala eexdo oo loo kalaย badiyo manfaca, mansabka iyoย midhaha dowladnimo.
Waxaa ayaan daro ah in maanta uu hoos udhacey meeqaamkii, mustawihii iyo tisqaadkii hanaankiiย geedi- usocodka dimuqraadiyadeed. waxaa isna hagaasay maareyntii maamul ,maslaxadii, maamuuskii iyoย masiirkii guud ee qarankaย Somaliland kuย taamaayey mudada dheer. Markii ay Xukuumada cusubi ย ku soo ururtey hungo madhan iyo Abaal celin Malaasan.ย Qarankeena yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee rarankaย maanta saarani wuxuu halkan uu maanta taagan yahay ku soo gaadheyย hawlgalo badanย iyo hayaan dheer,ย siyaasiyiin utudha iyo ruug cadaa samo talis ahย oo isku duuban oo ummadda isku wadaย oo walaaleeya oo arin kasta oo cakirantaย ku soo dabaali jirey garnaqsi, talowadaag,isu tanaasulย taas oo intiiba ย ay maanta meesha ka baxdey oo ayย bedeshayย quluub kala jeeda,qowleysato hantiyeyย ilihii dhaqaalaha, colaado degaan oo degamsan, isu jabhadeyn iyo cadaawe siyaasadeedย oo huwanย dabin isu maleeg joogto ah oo ย udhaxeeya intii talada wadanka bud dhigi laheyd. ,
ย
Waxaaย dalkaย ragaadiyey qabyaalad duluca furatay, colaad beelaysan,musuq-maasuq iyo maal urursi xadhkii goostay, mashruuc bursi jeegaamaysan, iskooxeysi shirkadeysan.ย dhul-boob baahsan ooย hadaf waqti-dheer ku qotoma ooย shaadh iskaashato iyo mid wershedeed gashan, deyr adag oo qabyaadaleysan oo aan gabasho laheyn. Hawlwadeeno aan la carbin oo aan waxba kusoo kordhin karin horumarinta iyo higsiga qarankaย wax ay dalqada dhigaan mooyaane, taas oo ay nusqaan iyo nitaakhaba ku noqotey haykalkii iyo haybadii, qaranimo, wadaninimadii,wadarnimadii, sumcadii iyo quraxdii dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii iyo himilooyinkiiย la higsanaayey eeย lagu taamaayey mudada dheer.
ย
Shacabka JSL waxaa deeqa oo keliya cadaalad ayย si siman ugu wada noolaadaan oo uย wadaagaan midhaha dowladnimo,ย una sinaadaanย hantida qaranka si ay udhowrtaan dalkooda iyo deegaankooda. Dhammaanย mushtamaca JSL,ย waxaย dhiqi kara oo keliya nabad, walaalnimo, waayeelnimo,ย iyo wadaagaย anfaca iyo agabkaย Qarankooda.
ย
Waxaa wax-garadka siyaasada JSL udhuun daloolaa ay maanta isku wada raaceen in siyaasada guud ee Somaliland ay hada ku jirto marinhabow, madmadow badan iyo Indo sarcaad baahsan oo iska dabowareeg ah ooย aan la saadaalin karin lana garan karin qorsheyaasheeda iyo Jihada ay u socotoย ย . waxay xukuumadu ku fashilantay in ay noqoto xukuumad ummadda wada deeqda, walaaleysa,ย dhex u noqota, oo dhayda diiftii iyo dildilaacii ay reebtay doorashadii dhamaatay ee la soo dhaafay.Waxaana xukuumada looga fadhiyaa in ayย dalka ka dhigto Somaliland loo siman yahay oo lawada leeyahay si ay shacabku u noqdaan ul iyo diirkeed, hal qoys oo wax walba wadaaga oo ilaashada danahooda iyo dantooda guud.
ย
ย Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London