Gabadh Reer Pakistan ah oo ka Mid Noqotay Aqalka Senate ka Australia,

0

Mehreen Faruqi ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay oo muslim ah oo ku biirta aqalka senate-ka dalka Australia.

Faruq oo ku dhalatay waddanka Pakistan ayaa u sheegtay BBC in mustaqablka Australia uu kusii xoogeysanayo dadka kala duwan ee ku wada nool dalkaasi.

Mehreen Faruq ayaa loo doortay xildhibaanka cusub ee koonfurta Wales iyada oo mateleysa xisbiga Greens maalintii arbacada si ay u buuxiso kursigaasi oo banaannaa.

Arrintaan ayaa imaaneysa xili senetar kale oo cusub oo ka tirsan golaha aqalka saree ee Austaralia uu wajahayo dhaleeceen xooggan kaddib markii uu ku baaqayay in xal kama dambeys ah laga gaaro arrimaha socdaalka.

Ms Faruq ayaa todobaadka soo socdo loo dhaarin doono xilka.