War Deg Dega, Madaxwyinhii Degaanka soomalida Itoobiya oo iidamada Fedaraalku Qabteen

0

Wararka ka imanaya magaaladda jigjiga ee xarunta u ah is maamulka somalida itoobiya ayaa sheegaya in ciidanka millatariga dawlada fadaraalka itoobiya gacanta ku dhigeen madaxwaynahii hore ee dawlada deegaanka itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Dad ku sugan magaaladda jigjiga ayaa hadhwanaagnews u xaqiijiyay in la qabtay madaxwaynihii hore ee dawlada deegaanka somalida itoobiya cabdi Maxamuud Cumar,waxaana ay shegeen inaan la garanayn meel ay ilaa hadda la tageen.

Shalay Galinkii dambe ayay ahayd markii gudida fulinta ee xisbiga dawlada deegaanka somalida itoobiya ay xilkii si rasmi ah uga wareejiyeen madaxwaynahihii hore isla markaasina doorteen madaxwayne ku meel gaadh ah.

Dhinaca kale Magaaladda jigjiga ayaa amaankeeda aad u sugaya ciidamada miltariga ee dawladda federaalka

ethiopia.

waxaana durba bilawday in dadka ku dhaqan magaaladda jigjiga ay ka baxaan magaaladda iyaga oo qofkastaa uu beegsanayo halkii uu naftiisa u door-bidayo in ay amaan tahay.