Badhtamaha Laascaanood oo lagu toogtay Sarkaal ka tirsan Hay’adda WHO+Xaalada magaalada oo

0

Wararka aanu ka helayno magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in goor dhoweyd lagu toogtay badhtamaha magaalada Laascaanood Drs. Xaliimo Xasan Basaas oo loo yaqaano Ugaaso.

Drs. Ugaaso ayaa xiliga la toogtay waxay ku sugnayd banaanka hore ee Warsame Hotel oo ay leedahay mulkiyadiisa, waxaana dhaawac xoogan uu kasoo gaadhay Caloosha kadib markii nin  hubaysan rasaas ooda kaga qaaday.

Dhawaca Drs. Ugaas ayaa hada waxaa lagu dabiibayaa cisbitaalka Fayo oo ay qaliin ugu jirto, waxaana goobtii lagu dhaawac marwadani ka baxsaday shakhsigii falkaasi gaystay.

Ugaaso ayaa kamid ahayd xubnaha hay’adda WHO ee gobolka Sool, waxaana ay kamid ahayd dadka caanka ka ah gobolkaasi.

Xalaada magaalada Laascaanood ayaa caawa kacsan waxaana ciidamada amaanku ay wadaan baadhitaano xoogan, halka Bandow lagu soo rogay magaalada Laascaanood.