Deg Deg, Ciidamo Xoogan oo Fadaraalka Ethiopia ah oo La Wareegay maamulkii Jig Jiga iyo Madaxwayne Illay oo

0

Xaalad cabsi iyo jahwareer ayaa ka taagan magaalada Jigjiga kaddib markii ciidamo saaka ay magaalada qabsadeen.

Wararka waxay sheegayaan in magaalada ay bililiqo ka jirto islamarkaasna aysan jirin cid gacanta ku hayso ammaanka.

Boqolaal qof ayaaa lagu soo warramaya inay ku dhaawacmeen dhacdada ay militariga kula wareegeen magaalada.

Warbaahinta Adis Standard ayaa barta Twitter-ka kusoo bandhigtay sawirro muujinaya ciidammada militariga oo saaran baaburta gaashaman oo ku sugan magaalada Jigjiga.

Waxay intaasi ku dartay in ciidammada ay gaareen caasimmada dowlad deegaanka kaddib markii ay guuldaraysteen isku dayo loogu yeerayaymadaxweyne Cabdi Cumar Maxamud.