Nin isirkiisa la hiddo-raacay oo magdhow heley

0

Askari u dhashay dalka Mareykanka oo ogaaday inuu leeyahay isir madow ah ayaa magdhaw helay kaddib markii lagu forjeeeyey isirkiisa.

Sergeant Cleon Brown, oo ah askari ka tirsan ciidamada dalka Mareykanka, ayaa dacweeyey niman ay isla shaqeynayeen oo ku dacaayadeeyey inuu leeyahay isir madow ah kaddib markii baaritan lagu sameeyey DNA-giisa.

Waxa uu sheegay inay foorjeeyeen kaddib markii uu la wadaagay natiijada baaritanka.

Sgt Brown ayaa hadda wuxuu helaya magdhaw gaaraya 65 kun oo doolar.

Sgt Brown ayaa sidoo kale sheegay in madaxa booliska ee halkaasi ay ugu yeereen erayga “Kunta,” oo ah eray ku jira book laga qoray adoomaysiga dadka madowga ah.

Maamulka xarunta booliska ayaa sheegay inuu ninkan qeyb ka ahaa kaftanka, uuna xitaa ka hadlay natiijada.

Sgt Brown, ayaa ku doodaya inuu arkay muuqaalka Santa Claus oo madow oo lagu soo qoray “18%”.

“Waxan taasi ugu yeerayaa inay tahay takoor,” ayuu yiri Sgt Brown.

Isbuucan, ayaa maamulka magaalada ay ogolaadeen inay ninkan magdhaw siiyaan.