Cabdiraxmaan Faroole Oo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Kala Hadlay Arin Ku Saabsan Wadda Hadalkii Hargeysa Iyo Muqdisho

0

Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole kana mid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya  ayaa kulan la qaatay raysal wasaaraha dawlada federaalka ah oo ku sugan magaalada Garoowe.

Raysal Wasaare Khayre oo gurigiisa ku booqday Senetor Cabdiraxmaan Farooele ayaa raysal wasaaraha ka dalbaday in lagu dhakhsado anbaqaadka wada hadalkii u dhaxeeyey somaliland iyo soomaaliya.

Senetar Cabdiraxmaan Faroole oo la hadlay warbaahinta ayaa ka waramay kulanka uu la qaatay raysal wasaare Khayre waxaanu yidhi “Waxaan kulanay oo gurigayga iigu yimid raysal  wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo aan ka wada-hadalnay arrimo caam ah oo ku saabsan dowlad-nimada Soomaaliya.”

Senetor Cabdiraxmaan Faroole ayaaoo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “waxaan ka wada-hadalnay in la dedejiyo wada-hadallada Soomaaliland oo lala hadlo oo waxay tabannayaan la maqlo oo ajande aan qarsooneyn aan dhinacna kaga jirin.”