Rakaab si mucjiso ah uga baxay diyaarad gubatay

0

Diyaarad sidday rakaab ayaa ku burburtay caasimadda dalka Mexico ee Durango saacado uun kaddib markii ay garoonka ka duushay.

Dhammaan rakaabka oo gaarayay 103 qof ayaa ka badbaaday shilka balse 97 kamid ah rakaabka ayaa dhaawacyo soo gaaray.

Barasaabka gobolka uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in diyaaradda ay ku dhufutay dabayl xooggan islamarkaasna ay baalasheeda dhulka dhigatay.

Rakaabka diyaaradda ayaa uu suuro gashay inay ka baxaan diyaaradda ka hor inta aanu dabka qabsanin.