Dhoofkii Xoolaha Mooshinka xashka oo Xawli Uga Soda Berbera

0

Saaka Subaxii Hore waxaa Dekada Berber ka Goostay Markab LAYLA J, oo Qaaday 61900 oo Nee foo Adhi ah iyo Markabka TAYIBA oo Qaadaya 48600 oo Neef oo Adhi ah walina Xooluhu Ku Sodaan, Xoolahan Ayaa Laga Rarayaa Labada macjar ee kala ah Aljaabiri iyo Macjarka ganacstada Midoobay ee Loo yaqaan [wax Iska Caabinta] Guud Ahaanba Intii sacuudigu xayiraada ka qaaday Xoolaha Soomaalida waxaa Dekada ka dhoofay 8 Markab oo Todaba kamida aay rareen Macjarka Lagu Magacaabo wax Iska caabinta Halka Markab  Laga raray Macjarka Aljaabiri

Xiligan waxa Si xawli ah u Soda Dhoofkii Xoolaha ee Mooshinka xashka waxaana Maalmihii u danbeeyay Dekada beriberi ku mashquuulasanayd Rarida Xoolahaa Loo Iibgaynayo Magaalada Jida. waqtigan

oo kale sanad walba waxaa shaqooyin ka hela Mushtamac Kala duwan oo Boqolaal ah kuwaas oo ka shaqeeya uun Xoolaha marka lagasoo bilaabo Saylada Xoolaha laga soo iibiyo ilaa markabka laga saarayo, Gawaadhida waa wayn ayaa Iyaguna kazoo daabula sayladaha Xoolaha Ee Burco iyo Hargaysa halka  Hudheelada untada iyo Kuwa Hurdauba  tacmiirad wanaagsan helaa,.

Xidhiidhka Bulashada Mandaqada ee geeska afrika ee afsoomaliga ku hadshaa waa marka qudha ee aay wada sameeyaan ganasi toosa isdhexgalkooduna oo kor u kaco, Waayo Dekada Berberi waa Dhuunta Ugu sahlan uguna Dhow Marin Ahaan ee Xoolaha laga Dhoofin karo Neefka oo aan Rafaad iyo gaajo Arag.

Dhoofka Xooluhu waa  Meelaha Lacagta Adag aay kazoo gasho Somaliland waxaana durba la dareemayaa hoos u dhaca lacagta Doolarka iyo lacagtii Somaliland oo qaaliyoobaysa, Furitaanka Xoolaha ee dalka sacuudigu xayiraadii ka qaaday Xoolaha Soomaalida Ayaa Si wayn Loogu Diirsaday waxaana la rajaynayaa in caqbadihii Sababay Joojinta Xoolaha in aay halkaasi Ku Dhamaatay,

Xoolaha Loo Dhoofin Doono dalka sacuudiga Ayaa ah halmilyan oo Neef in kabadan Sida uu Shabakada HWN u Sheegay Ganasade cabdiraxmaan Shidaar oo ka mida ganastada waawayn ee Xoolaha dhoofisa,