Maxay Yihiin Qodabad aay kawada hadleen madaxwaynayah dawlada xamar iyo madaxawynaha eritaria

0

Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay heshiisyo ay wada gaadheen dhigiisa dalka Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey kulan lagu qaabilay ayaa ka waramay xidhiidhkii hore uga dhaxayn jiray labada wadan iyo marxaladihii ay soo wada mareen waxaanu hadalkiisa ku yidhi :-

Sharaf weyn bay aniga iyo waftigaygaba u tahay in aan soo gaarno caasimadda qurxoon ee Ereteriya, casuumaaddii aad noo fidiseen ka dib.

Hubaashii, booqashadani waa mid labadeenna qaranba taariikhda u gelaysa. Waxaan kaaga mahadcelinayaa martigelinta iyo soo dhawaynta aad noo samayseen aniga iyo waftigayga.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa dadka gobta ah ee

reer Ereteriya, kuwaas oo maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalada Asmara, soo dhawaynta diirran iyo sida ay u muujiyeen xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne :

Waxaan ku kalsoonnahay in booqashadan taariikhiga ah ay ka dhalan doonto horumar iyo barwaaqo, oo labadeenna qaranba dan u ah.

Wadahadal mira-dhal ah oo aan la yeeshay mudane Madaxweyne Esias Afwerki, waxaan diiradda saarnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka aannu wadaagno labadayada waddan oo aan keliya taariikhi ahayn, balse lagamamaarmaan u ah mustaqbalka ifaya ee aannu wada dhisi doonno.

Labadayaduba waxa aannu ogsoonnahay in mustaqbalkayagu uu isku xiran yahay, maaddaama aannu nahay labo waddan oo walaalo ah, isku gobolna ah.

Waxa aannu sidoo kale ku heshiinney inaan xoojinno iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka gobolka.

Iskaashigani waxa uu faa’ido weyn u leeyahay labadeenna dal, maaddaama aan ka simannahay caqabado isku mid ah.

Iskaashiga waxtarka leh ee ay dawladda Soomaaliyeed doonayso waa mid sahlaya in labadeenna qaran ay si buuxda u wada shaqeeyaan, labadeenna shacabna nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan.

Waxaan doonaynaa in aynu caasimadeheenna ka hawlgelinno safaaradaha labadeenna qaran, wax-soosaarka dalalkeenuna si xor ah ugu kala gooshto gobolka oo dhan.

Dawladda Soomaaliya waxa ay soo dhawaynaysaa heshiiskii nabadeed ee dhawaan dhexmaray Ereteriya iyo Itoobiya. Waxa hubaal ah in gebi ahaanba Geeska Afrika uu ka faa’idi doono waagan cusub ee ku astaysan nabadda, saaxiibtinnimada iyo wadajirka gobolka.