Anigu La Ficil Tamimaayo Muuse Biixi……” Eng Faysal Cali Waraabe –

0

Boqolaal ka mid ah taageereyaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID eek u dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa maanta si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal oo ku yaala Koonfurta Hargeysa Guddoomiyaha Xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha oo markii uu ka soo degay Diyaaradii uu la socday Khudbad ujeediyay dadkii soo dhaweyntiisa ka qayb galay ayaa shaaciyay in aan looga baqanayn in uu waxyeelo u geysto Qaranimadda Somaliland.

Sidoo kale waxa uu jeediyay khudbad uu dhinaca kale dadka ku hogataasulaysanayo in aanu jirin wax u diidaya In uu la kulmo madaxda Dawladda Federaalka soomaaliya.

“Innaga (Somaliland) sharci innoo yaalla oo la yidhi Wallowayn ha salaamin ma jirin.. dawladnimada Somalilandna meelFaysal Cali Waraabe wax yeelayo maaha.. nimanka baarlamaankana waxaan leeyahay idinkaan sharci ku joogin” ayuu yidhi.

Mar uu dabo socday hadal ka soo yeedhay Madaxweyneha Somaliland oo todobaadkan sheegay in uu aad ula yaabay kulanka dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Guddoomiyaha UCID ayaa yidhi “Annigu la ficil tamimaayo Muuse Biixi Kursiga ayuu noo fadhiyaa” ayuu yidhi.