Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal u Dhaxeeya Beelaha Ceel afweyn Heshiiskooda Loo fadhiyo Oo Saaka Deegaanka Ceeryaan Ka Qarxay .

0

deegaanka Ceeryaan oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Ceerigaabo sidoo kalana dhinaca bari kaga beegan tahay Ceel-afweyn ayaa waxaa ka qarxay dagaal u dhaxeeya laba beelood oo wada daga halkaasi.

Dagaalkan saaka subixii qaray ayaa sababay dhimashada 3-qof ilaa hada waxaana jira dhaawac laakiinse tiro ahaan lama hayo weli.

Dagaalkan  ayaa udhaxeeya laba ardaa oo katirsan beelaha Ceelafwayn heshiis kooda loo fadhiyo  Iyadoo Khilaaf Mudo Soo Jiitamaayey uu Jiro sida uu xaqiiyay wariyaha Hadhwanaagnews ee magaalada Ceerigaabo

Sidoo kale waxaa ka hadlay dagaalkan saaka  dhacay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Xasan Maxamed Cali

(Gaafaadhi) oo sheegay in hada dagaalku istaagay ayna kala dhex galeen labadii ardaa ee dagaalamayay ciidamada qaranka Somaliland.

shalay ayuunbay ahayd markii la dhaariyey beelihii Ceel afweyn ku dagaalamay oo heshiisiintoodiina weli loo fadhiyo