Xarunta Jaamacadda Hargeysa waxaa saaka ka furmaya shirweynaha caalamiga ah ee daraasaadka Soomaalida, kaas oo saddexdii sanoba mar la qabto.

0

Xarunta Jaamacadda Hargeysa waxaa saaka ka furmaya shirweynaha caalamiga ah ee daraasaadka Soomaalida, kaas oo saddexdii sanoba mar la qabto.

Madashaasi ayaa 40 sano ka hor waxaa lagu aasasay magaalada muqdisho waa 1978.

Shirweynahan waxaa ka qeybgalaya ilaa 150 aqoonyahan oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib qaaradaha caalamka ka kala yimid.

In ka badan 60 daraasadood oo ku saabsan taariikhda Soomaalida, dhaqanka, afka, suugnaanta iyo xaaladda siyaasadda ayaana lagu soo bandhigayaa.