Sirdoonka Ethiopia oo Addis Ababa Ku qabtay Malaayiin Doolar iyo Hub kala Duwan,

0

Ciidamada Booliiska ee Waddanka Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku soo dhigeen aduun lacageed oo gaadhaya 10 million US Dollar, taas oo ay koox damacsanayd in ay si qarsoodi ah wadanka uga saarto.

Lacagtan ayaa la sheegayaa in ay soo qabteen ciidamada Booliska ee Magaaladda Addis Ababa, sidoo kalena sarkaalka lagu magacaabo Zeynu Jemal ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee ENA in uu jiro hub badan oo la qabtay.

Waxa uu xusay sarkaalkaasi in hubkan iyo lacagta la qabtay dadka dadka kala watay ay yihiin kuwo looga shakisan yahay in uu xidhiidh ka dhaxeeyo, hasayeeshee labada kooxoodba ay hadda gacanta Ciidamada Ku jiraan.

Zeynu Jemal ayaa waxa uu intaasi ku daray in lacagtan looga shaki qabo in la damacsanaa in lagu soo iibiyo Hub kala duwan oo lagu khalkhaliyo amaanka dalka Ethiopia.