Dawada cudurka duumada oo 60 sano kaddib la ansixiyey

0

Dawadan looga hortagayo cudurka duumada waa dawadi ugu horreysay oo mudda 60 sana lagu ansixiyo, iyada oo raja aad u wanaagsan ay ka muujiyeen hay’do ku sugan dalka Mareykanka.

Daawadan ayaa ah mid gabi ahaanba joojineyso soo noqnoqshada cudurka kaneecada, iyada oo ay cudurka duumada sanad walba ay u dhintaan dad ka badan 8.5 milyan oo qof oo dunida daafaheeda ku nool.

Kaneecada ayaa ah mid la dagaallankeeda ay adag tahay maadaamaa ay awood u leedahay iney beerka ku sii jirto mudda sanad ah xataa haddii dawadeeda la qaato iyada oo weliba qofka aanan marar badan ku soo noqon ama aan qaban.

Dawadan cusub ee la yidhahdo tafenoquine ayaa waxay saynisyahannadu ku tilmaameen “guul aan caadi ahayn oo la gaaray”.

Hadda caalamka oo dhan waxay isha ku hayaan dawadan iyaga oo weliba dadkooda ku talinaya iney qaataan dawada marka ay soo gaartoDawada oo hadda dalka Mareykanka laga ansixiyey waxay si buuxda caalamka oo dhan uga dhaqan galeysaa markay si buuxda ay u ansixiso hay’adda caafimaadka adduunka (WHO), iyada oo la filayo in 6-da bilood ee soo socota waddamada caalamka oo dhan gaar ahaanna kuwa kaneecada ay ku badan tahay la gaarsiiyo.