Saamigii Lagu Qaybiyay Golaha Baarlamaanka Xalbuu Ahaa, Iminka Wixii Aanu Leenahay Ayaanu rabnaa hadaanu Reer saaxil,nahay, Xildhibaan Siciid Cartan

0

Xildhibaan Siciid Cartan oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland kana soo jeeda gobolka Saaxil ayaa sii xoojiyay saluugga laga qabo saami qaybsiga golaha wakiillada Somaliland oo ay hore si weyn uga soo hor jeesteen mudaneyaasha gobolka Awdal.

Waxa uu sheegay in saami qaybsiga hadda lagu fadhiya ahaa xal laakiin, hadda loo baahan yahay in cid walba wixii ay xaq u leedahay hesho “Markii la qaybinayay kuraasta xal baa la mooday oo waxa lagu qaybiyay (Saamigii) 1960 maantana waxaynu marayna 2018 oo xilligii xalka waa la dhaafay, umaddu way xisaabtamaysa cid walba wixii ay xaq u lahaayeen in ay helaan, gobollada saluugga qabana waxaan u
arka in cabashadoodu xaq tahay Somaliland-na isu tanaasul bay halkan ku soo gaadhay,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cartan.

Waxa uu intaasi ku daray in aanu gobolka Saaxil ku qanacsanayn saamiga uu ku leeyahay golaha wakiillada “Haddii aanu nahay gobolka Saaxil 10 xildhibaan baanu leenahay waanu saluugsanahay saami qaybsigii nalagu siiyay waayo? Markii la qaybinayay 12 xildhibaan baanu qoondo u helnay AHUN Cigaal baa ka jaray 2 xildhibaan gobolka Saaxil oo marka xal ku raadinayay, marka anagu haddii aanu reer Saaxil nahay kuma qanacsanin tobanka xildhibaan,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cartan.