Dhalinyarada Reer Burco Oo Dhaliilay Weedhii Labaad ee Wasiirka Maaliyada Somaliland uu ku waxyeeleeyo Gobalada Bariga Somaliland

0

Qaybaha Bulshada Gobolka Togdheer oo Ka fal-celiyey Weedhihii Xanafta lahaa ee Wasiirka Maaliyadu ugu Duur-xulay, Kuna Tilmaamay Aflagaadadii labaad ee u Fagaare ula Soo Istaago W. Maaliyada Gobolada Bariga Somaliland…

Wasiirka horumarinta Maaliyada Somaliland, ayaa 12-kii bishan soo saaray War-saxaafadeed noociisu ku cusub yahay nidaamka dawladnimo, kaddib markii uu soo bandhigay tartan cashuur ururineed oo u qabtay waaxaha cashuuraha beriga ee gobolada Togdheer iyo Awdal.
Hadalkaa Wasiirka, ayaa dhaliyey doodo xasaasiya oo ah inuu Wasiirku dagaal Siyaasadeed oo hoose kula jiro gobolada bariga Somaliland, isla markaana hab-dhaqanka noocan ah uu kaga gilgilanaayo fadeexado xil-gudasho la’aaneed iyo musuq-maasuq sababay inaanu korin wax soo saarka dakhli ee dalku.
Hadaba hadalkaa Wasiirka maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, ayaa waxa cadho ka qaaday bulshada gobolka Togdheer, kuwasoo sheegay in Wasiirka Maaliyada aqoon Iyo Waayo aragnimo la’aan ka hayso xadiga dal Iyo dhul ahaaneed ee gobolada bariga Somaliland, isla markaana uu Somaliland u haysto Hargeysa iyo Boorama, doodahaas oo si weyn loogu qaada-dhigaayey labadii maalmood ee u dambeeyey, ayaa nuxurkoodu soo bandhigaayeen in aanu Wasiirka Maaliyada ahayn shaqsi qaadi kara xilkaa, sidoo kalena lagula khaldamay.
Bulshada hadalkaa Wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed Raagge xanafta u arkay, ayaa isku xidhiidhiyey weedhahan Wasiirka ee hada iyo hadalkii hore ee aflagaadada ahaa uu kula kacay dadweynaha gobolka Sool. Teeda kale qaybaha bulshada, ayaa wax laala yaabo ku tilmaamay habkan uu dhacdadaa cashuuraha uga hadlay wasiirku, kuwaasoo sheegay inay aqoon daro Ka ahayd, Waayo?. weli may dhicin in Wasiirka Maaliyadu fagaaraha la yimaado Warbaahinta wax soo saarka Cashuuraha beriga iyo Kastamada, balse waxay ahayd oo kaliya Warbixino La siiyo saraakiisha Wasaarada Maaliyada iyo Madaxweynaha dalka, hase-yeeshee dadka qaarkood waxay arrinkaa ku xidhiidhiyeen War uu ku qarinaayo faashilka ku yimi Wasaarada Maaliyada, mudadii uu Wasiirka ahaa.
Qoraalka doodaha xasaasiga ah dhaliyey ayaa u dhigan sidan.
“..Markii hore waxa kaalinta labaad ee dakhli soo saarka Waaxda Cashuuraha Berriga ku jiray gobolka Togdheer. Balse imika waxa kaalinta labaad soo gashay gobolka Awdal oo waxa ka horreysa oo kaliya gobolka Maroodi-jeex”. Wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed Raagge.

Farxan guuleed Yuusuf

farxangul123@gmail.com