Ciyartoyga faransiiska oo ku Guulaystay Koobkii Aduunka 2018 ee ka dhacayay rassia

0
Xulka kubadda cakta France ayaa ku guuleystay Koobka Aduunka ee sanadkaan 2018, kadib marki ay ciyaarti finalka 4-2 ku garaaceen Croatia.

Ciyaarti galabta oo ka dhacday garoonka Luzhniki Stadium ee magaalada Moscow ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah finalki ugu xiisaha iyo xamaasadda badnaa Koobka Aduunka, marka laga eego goolasha la iska-dhaliyay iyo sida ay aduunyada indhaha ugu heysay.

Goolka waxaa la hormaray France daqiiqadii 18-aad, waxaana u ahaa gool uu kooxdiisa ka dhaliyay Mario Mandzukic balse 10 daqiiqo kadib waxaa Croatia goolka barbaraha siiyay Ivan Perisic.

France ayaa mar kale qabatay hogaanka ciyaarta 10 daqiiqo kadib goolki Perisic, goolkaasi waxaa rigoore ku dhaliyay Antoine Griezmann waxaana hubsiinada rigoorada loo adeegsaday nidaamka saacida garsoorayaasha ee loo soo gaabiyo VAR.

Rajadi xulka Croatia ee aheyd in ay marki ugu horreysay qaadaan koobka ayaa mugdi gashay qeybti labaad ee ciyaarta kadib marki ay laba gool oo ay muddo 6 daqiiqo ah ku kala dhaliyeen Paul Pogba iyo Kylian Mbappe.

Goolka labaad ee xulka Croatia waxaa ciyaata oo ay ka dhinneyd 20 daqiiqo hadiyad ahaan u siiyay xulka Croatia gool-hayaha Faransiiska Hugo Lloris oo kubad uu islaha iska bixi lugta u geliyay Mandzukic.

Ciyaarta marki ay dhamaatay ayaa markiiba gudaha garoonka iyo magaalooyinka waaweyn ee Faransiiska ka billowday dabaaldagyo ay ugu dabaaldagayaan hanashada Koobka Aduunka.

Guushan ayaa macnaheedu tahay in Faransiiska ay laba jeer ku guuleysteen Koobka Aduunka. Sannadki 1998-ki iyo sannadkaan 2018-ka.

Macallinka xulka France, Didier Deschamps ayaa noqday ninki labaad oo koobka aduunka ku guuleysta isaga oo ciyaaryahan ah iyo isaga oo tababare ah. Waxaa rikoodhkaasi uga horreeyay Mario Zagallo oo u dhashay Brazil iyo Franz Beckenbauer oo Jarmal ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara Croatia Luca Modric ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta kubadda dahibiga ee laacibki ugu wanaagsan tartanka sannadkaan halka Mpabbe oo u ciyaara France la siiyay laacibka ugu da,da yaraa ee ugu wanaagsanaa laacibiinti Koobka Aduunka ka qeybgashay.