Weerar is qarxin ah oo lagu qaaday Madaxtooyada dawlada xamar

0

Qaraxa hore ayaa ka dhacay meel u dhow waddada gasha madaxtooyada ee ka timaada Ceel Gaab, waxaana ku xigtay rasaas xoog leh oo halkaa ka dhacaysay.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay waddada labaad ee ka timaada dhanka Shineemo Afrika.

Rasaasta oo la rumaysan yahay inay is weydaarsanayaan ilaalada madaxtooyada iyo qolyaha weerarka qaaday ayaa laga maqlay aaggaas, ilaa iyo guriga hooyooyinka.

Weli lama oga khasaaraha, laakinse waxaa la sheegay in qaraxyada loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga buuxiyey.

Qiiq ayaa ka muuqda goobta ay qaraxyadu ka dheceen.

Qaraxyadan iyo rasaasta la is weydaarsanayo ayaa ku soo beegmaya ayadoo todobaadkii hore weerar noocaas oo kale ah ay Al Shabaab ku qaadeen xarunta Otto Otto oo aan ka fogeyn halka uu weerarka maanta ka dhacay.

Wixii ku soo kordha wararkaas halkan kala socda.

 

HOOS KA KAHRI WARKA IMINKA SOOO DHACAY OO SHEEGAYA KHASAARAHA DHIMASHO IYO DHAAWACBA,

 

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka, weerarradii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo hoteelka halkaa ku yaalla oo ay inta badan madaxda dawladdu tagaan.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradaas oo loo adeegsaday laba gaari oo laga buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Qaraxyada ayaa waxaa xigay rasaas xooggan oo ay is dhaafsadeen dableydii weerarka qaadday iyo ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya kama aysan hadlin weerarka, hase yeeshee wakaaladda wararka SONNA ee ku hadasha afka dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in ciidanka amnigu ay “ka hortageen qaraxyo argagixiso”.

Weerarradan oo kuwa noocooda oo kale ah lagu qaaday xarunta Otto Otto todobad ka hor, ayey dadku is weydiinayaan sida ay uga dheceen xarumaha dawladda, ayadoo aad loo adkeeyey amniga iyo isu socodka gaadiidka ee Muqdisho, gaar ahaan meelaha ay ku yaallaan xarumaha dawladda ee aadka loo ilaaliyo.