Badhasaabka Saaxil Oo Hor Istaagay Hawlo Uu Qaban Lahaa Urur Fadhigiisu Yahay Muqdisho

0

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa Soo Noq noqnoqonayay hadal haynta hay,ado Muxali ah oo fadhiyadaoodu yihiin Nairobi iyo muqdisho] oo hawlo samafal iyo Baadhitaano ah [research] kaga hawlgala gobolo ka mid ah jamhuuriyada Somaliland.

Waxaana saaka Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka saaxil Laga Hor Istaagay ururkan sameeya baadhitaanada oo doonayay in aay ka fuliyaan gobolka saaxil Baadhitaan [ Research ]ku saabsan Abaaraha iyo Duufaanadii dabaylaha watay ee dhawaanta ku dhuftay xeebta bada case e Gobolka saaxail, Waxaany Illo Xog Ogaal ahi u sheegeen Shabakada wararka ee HWN in badhsaabka Gobolka saaxil Eng Axmed Cismaan xasan uu hor istaagay maadaama aanay wax macluumaad ah soo siinin maamulka gobolka iyo ka degmadaba lana ogayn waxay ka shaqayndoonaan,

dabcana sida la xaqiijiyay Badhasaabku wuxuu u sheegay dhalinyaradaa oo watay laba lankuruusar in aay Keenaan Dhukmatiga Ururkan aay u shaqayaaan iyo macluumaadkiisa.

 

Ururkan ayaa fadhigiisu uu yahay Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, waxaana jirtay go’aan ay xukuumaddu hore ugaga mamnuucday in ay somaliland ka hawl galaan ururo iyo shirkado fadhigoodu uu yahay Soomaaliya.