Madaxawyne Trump oo London Booqday+ Mudahaarad Lagu Dhigayo iyo Luuqad Adag oo uu Kula Kula hadlay dawlada Guunka ah ee Britain

0

Dibadbax looga soo horjeedo booqashada Trump ee Britain oo ka dhacay London

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa markii ugu horeesay tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa booqashadii ugu horeesay uu ku tegay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Booqashada Trump ee Britain oo qaadan doonto saddex maalmood ayaa waxaa uu la kulmay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo boqoradda Ingiriiska, Queen Elizabeth.

Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo madaxweyne Trump ayaa ka dhacaya magaalada London, gaar ahaan safaaradda Mareykanka ee dalkaasi, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka wadooyinka magaalada London.

Mar madaxweyne Trump wax laga weydiiyay dibadbaxyada ka dhanka ah ayaa waxa uu sheegay in uusan wax dhib ah ku qabin arrintaasi, oo dadka Britishku ay jecelyihiin isaga.

Duqa magaalada London, Sadiq Khan oo ay horay hadalo xanaf leh isu weydaarsdaeen madaxweyne Trump ayaa ugu baaqay dadka dibadbaxa dhigaya inay ilaaliyaan nabadgelyada,waxaana uu intaa ku daray in dadkani aysan necbeyn shacabka Mareykanka.

Sida la sheegayna  madaxwayne  Trump treza may u   sheegay in uu  Qorshaha  Britain aay kaga baxayaan  ururka midowga yurub  uu meesha kasaari doono  in maraykanku uu kala xaajoodo  arimaha dhaqaalaha dalka britain, waxaanu xusay in uu armiahaa kala xidhiidhi doono  midowga yurub