Deg Deg, Mushrax Golaha Degaanka Berbera ah oo xaflad wayn Loogu qabtay Berbera,+Sawiro

0

Iyadoo aay Inagu Soo  Fool Leeyihiin Labada Doorasho ee Isa Saaran ee Golayaasha Degaamada Somaliland iyo ta Baarlamaanka Ayaa Durba waxaa ka Biloowday Berbera Dhalinyaro Isku Diyaarinaysa in aay Si Miisaan Leh Uga qaybqaataan Doorshooyinkaa waxaana Saaka Magaalada Berbera xaflad Ilyartu is qabatay Loogu qabatay Maxamuud maxamed jaamac oo kamida dhalinyarada Berbera ee Aqooyahaynka ah waxaanu isku Sharaxay Xildhibaan Golaha Degaanka ah ee Berbera.

Xafladan oo Miisaan lahayd ayaa waxaa ka soo qayabgalay Cuqaal, Odayaal Dhaqmeed Tiro badan Dhalinta Aqoonyahanka ah ee Berbera ,Hawaeen iyo Masuuuliyiin ka Socday Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Ka Muxaafadka ahba.

Dhamaan dadkii kala duwana ee  Xafladan  ka hadlay waxaay Isku raaceenin uu u qalmo Maxamuud maxamed jaamac in uu Noqdo Xildhibaan golaha Degaanka ah ee Berbera,

Hadal Dheer oo uu Musharaxa Xildhibanaka ahi halkaa ka Jeediyayna wuxuu balan qaaday in uu wax ka qaban doono arimaha Aas Aasiga ah ee Bulshada sida Biyaha, waxbarshada iyo cadaalada oo uu ka Dhawaajiyay in uu wax Ku Maamuli Doono hdii la Doorto