Madaxwaynaha jmhuuriyada Somaliland ayaa Bartiisa twitter ka kaga hadlay aragtidiisa heshiiska Ethiopia iyo Eriteria,

0

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyey sida uu arko heshiiska dhex maray labada wadan ee Itoobiyo Eritrea kuwaas oo mudo dheer ay ka dhex taagnayd colaad aad u xuni.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa heshiiska labadan dal ku tilmaamay mid kor u qaadaya amaanka wadamada geeska Afrika, waxaanay aragtidiisu u dhignayd sidan “Jamhuuriyadda Somaliland waxay waxay soo dhawaynaysa oo bogaadinaysa heshiiska nabadeed ee Ethiopia iyo Eritrea wada saxeexdeen, heshiiska saaxiibtinimo iyo shaacinta in xaaladdii dagaalku dhammaatay. Waa waa tallaabo taariikhi ah oo
ku dayasho mudan, waxaanay wax ku soo kordhinaysa amniga iyo degenaanshaha guud ahaan gobolka,”Hogaamiyeyaasha labada dale e Itoobiya iyo Eritrea  ayaa si rasmi ah u shaaciyey inay dhamaatay colaadii u dhaxaysay labada dal ka dib markii ay heshiis ku kala saxeexdeen magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.