Layaab, Madaxwaynaha Turkiga oo Wiil uu Sodog u Yahay u Dhiibay wasaarada Maaliayda Ee dalkaasi,

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wiilka uu soddoga u yahay u magacaabay wasiirka maaliyadda dowladiisan cusub.

Kadib magacaabista Berat Albayrak lacagta Turkiga ee lira ayaa in kabadan boqolkiiba labo qiimeheedu hoos u dhacay.

Mr Erdogan ayaa dowladiisa cusub shaaciyay saacada un kadib markii loo dhaariyay jagadiisa saree ee cusub.

Waxa ay soo afjareysa habkii baarlamaniga ahaa ee la aasaasay sagaashan iyo shan sano ka hor

Mr Erdogan ayaa dib loo doortay bishii aynu soo dhaafnay. Waxa uu sheegay in uu meesha ka saaray hab wadanka ka ragaadiyay dhan kasto hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasadda ama dhaqaalahaba.

Dadka isaga ka soo hor jedeedo ayaa ka cabsi qaba in habkaan cusub uu bur-burin doono dimuqraadiyadda Turkiga.

 

 

Source:-BBCsomali