Deg Deg, Maxkamda la dagaalanka Musuq Maasuqa oo 10 sano xadhiga ku Xukuntay raysalawasaarihii Hore ee pakistan nawaas Shariif

0

Maxkamad la dagaalanka musuq maasuqa ee dalka Pakistan ayaa reysal wasarihii hore ee dalkaasi Nawaz Sharif ku xakunta toban sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaareya 10.5 milyan oo doolar, kadib markii uu ku guul dareystay in uu sharaxaad ka bixiyo sida isaga iyo caruurtiisa ay ku yeesheen hanti badan oo qaali ah oo dalka dibaddiisa ay ka sameysteen.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku xukuntay gabadhiisa, Maryam Nawaz toddobo sano oo xarig ah iyo ganaax lacaged oo laba milyan iyo bar oo dollar ah, halka seygeeda oo la yiraahdo Muxamed Safdar lagu xakumay hal sano.

Laba wiil uu dhalay Shariif oo kala ah Hassan iyo Hussen, ayaanan la xakumin, kadib markii ay ka maqnaadeen maxkamadda, waxayna maxkamaddu ay sheegtay in iyagoo maqan la xakumi karin, marxalado jiro darted.